Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Oo Kormeer shaqo ku tagay Qaar ka mida Deegaanada Maamulkaasi

MUQDISHU-SAREEYE FM

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, Ibraahim Aaden Cali (Najax) iyo mas’uuliyiin uu hoggaaminayo,ayaa waxay Saacadihihii lasoo dhaafay kormeer shaqo ku kala bixiyeen degaanka Shalaanbood iyo Tuulooyinka ku xeeran.

Guddoomiye Najax, ayaa waxaa safarka ku wehlinayay, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka,Guddoomiyaha Degmada Marka iyo ku xigeennadiisa, Guddoomiyaha Degmada Qoryooleey.

Mudane Najax, oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay booqdeen Magaalada qeybaheeda kala duwan, sida Isbitaalka iyo goobaha muhiimka ah.

Wuxuu sheegay Guddoomiyuhu in ay Bulshada iyo Ciidanka oo wada jira ay ku boorriyeen in ay iska kaashadaan sidii loo furi lahaa Waddada isku xirta Marka iyo Qoryooleey .