maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo ku heshiiyay iskaashi labada dhinac ah
Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo shir uga furmay magaalada Baydhabo ayaa kaga wad hadlay arrimo badan oo ku saabsan iskaashi dhex mara labada dhinac.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta iyo maalgashiga ee maamul Goboleedka Koofur Galbeed ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasiirada labada maamul Goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Safiirka Sweden ee Soomaaliya iyo xubno kale oo shirka lagu casuumay.
Shirkan oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa lagu soo bandhigi doonaa kaabayaasha dhaqaale ee ay leeyihiin labadaas maamul, gaar ahaan dhanka wax soo saarka beeraha.
“Ajandaha shirka waxa uu ahaa oo aan kala hadleynay Midowga Yurub xoojinta amnigaguud ee labada dowlad goboleed, xasilinta Nabadgelyada, iskaashiga dhaqaale oo ay yeeshaan labada dowlad goboleed, gaar ahaan horumarinta xannaananada xoolaha, horumarinta beeraha, horumarinta kalluunesiga, dhismaha waddooyinka isku xira labada maamul iyo ka hortagga fatahaadda ka dhalata webiga Shabeelle” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Koonfur Galbeed.