Ma wafadi kasocda Kenya ayaa si dhuumaleysi ah ku yimaada Kismayo ? Muxuu salka ku hayaa Banan baxa kismaayo

Banaanbax uu soo qaban qaabiyay Maamulka is caleemo saaray ee Axmed madoobe ayaa ka socda kismaayo .

Wariyayaasheena oo ku sugan Kismaayo ayaa soo tabinaayo in banaanbaxa uu ahaa mid abuubulkisa ay lahaayeen kooxda Axmed madoobe taaso dadka qaar lagu qasbayay ineey qaataan Boorar xalay lagu sameeyay Magaalada kismaayo .

Banaanbaxaan ayaa ka dhashay markii Xukumadda Soomaaliya dhawaan ay soo saartay Warsaxaafadeed lagu wargalinayay Diyaaraha u kala goosha kismaayo iyo kenya in lagu hubin doono magaalada Muqdisho

Waxaa jiray Warar hoose oo sheegay in Dowlada Federalka ay ka war heshay xogo ku saabsan in Wafdi ka socda Kenya ay si dhuumaaleysi ku yimaadaan Magaalada kismaayo si ay ula kulmaan Maamulka Axmed Madoobe .

Go’aankaas ayaa ahaa mid kale oo dharbaaxo ku noqotay Maamulka kenya u shaqeeya ee Axmed Madoob