Labo ka mid ah ragii kufsadey Caasho Ilyaas oo dil lagu fuliyey.

Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxaa maanta dil lagu fuliyey laba nin kamid ah raggii loo xukumay kiiskii dilka iyo kufsiga ahaa ee Caaisha Ilyaas Aadan oo bishii February ee 2019 ka dhacay Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa la toogtay saaka sida uu xaqiijiyay aabaha dhalay caasho ilyaas, waxa uuna sheegay in qisaasta ay fushadeen ehelka gabadha.

Cabdisalaam Cabdiraxmaan Warsame oo la walaal ah Cabdifitaax ayaa dib loo dhigey arrinkiisa muddo toban beri ah kaddib codsi ka yimi labada dhinac, sida uu sheegey Ilyaas Aadan (aabbaha Caaisha) Maxkamadaha Puntland ayaa hore saddexda ninba ugu xukumay dil.

Waa kiiskii ugu horreeyey ee noociisa ah guud ahaan Soomaaliya ee lagu baadhay hab-sayniseed isla markaasna la fuliyo xukunkiisa oo soo maray maxkamadaha kala duwan ee Puntland.

Dhinaca kale Aabe Ilyaas ayaa ka hadlay sababta Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo ah xukunsanaha saddexaad looga reebay toogashada.

Ilyaas Aadan ayaa carabka ku dhuftay inay isku afgrteen isaga iyo qoyskiisa in dib loo dhigo muddo 10 cisho ah, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya inaan weli Cabdisalaan lagu helin caddeymo rasmi ah oo muujinayo inuu qeyb ka ahaa falkaasi, inkastoo lagu xukumay dil toogasho ah.Kiiska Caaisho Yar ayaa muddo dheer soo jiitamey wuxuuna soo maray marxalado kala duwan iyo maxkamado dhowr ah oo ku yaalla deegaanada maamulka Puntland, kuwaas oo markii dambe ka gaaray go’aan kama dambeys ah.