Gobolo ka Go’aya Somaliland
BADHAN – SAREEYE FM
Magaalada Baran ee Gobolka Sanaag waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shir ay yeelanayaan siyaasiyiinta,Odayasha dhaqanka iyo Bulshada Gobolka Sanaag.
Ujeeedka Shirkan ayaa lagu sheegay in looga arrinsanayo faragelinta Maamulka Somaliland ku hayo Gobolka Sanaag.
Magaalada badhan oo hoostagta gobolka sanaag waxaa kusogan wasiiro katirsan maamulka puntland
Waxaana kamid ah: Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan, wasiiru-dowlaha Degaanka, Cabdirashiid Geelle, Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha,Maxamed Musaddiq, wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Cabdisalaan Siciid Faarax iyo wasiir ku xigeenka Duulista hawada iyo garoomada marwo Sucaad Saalax Nuur.
Sidoo kale masuuliyiinta kusugan magaladaas waxaa kamid guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo, Xil. Cali Axmed Dhahar, Xil.Cabdiraxmaan Dhoorre, Xil. Axmed Cabdi Jaamac, saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland, ganacsato, xubnaha Qurba-joogta degaanka, siyaasiyiin hore, aqoonyahanno iyo hoggaanka dhaqanka oo isaga yimid magaalooyinka Damalla-xagarre, Xiingalool, Ceelbuh, Midigale, Buraan iyo Hadaaftimo.
Waxa magalada badhan kusii qulqulaya waxgarad, ganacsato iyo salaadiinta dhaqanka oo ka kala imaanaya magaalooyinka Ceerigaabo, Yubbe, Laasqoray, iyo Dhahar.
Lama shaacin waqtiga oo furmayo shirkaan, balse haatan inta badan wufuuddii shirka ka qeyb-gelaysay ayaa ku wada-sugan gudaha Badhan, marka laga reebo wufdi laga sugayo degmooyinka Ceerigaabo, Yubbe, Laasqoray, iyo Dhahar kuwaas oo lafilayo in maalmaha soo adan ay soogaraan magalada badhan
Dhowaan saraakiil katirsan ciidanka Somaliland ayaa u goostay dhinaca Puntland iyada oo taasina tahay mid dhaqan iyo caado u ah madaxda kujirta maamulka Somaliland ee hayb ahaan kutirsan beelaha Puntland hayeeshee waxa uu dhaqankaasi sii cakiriyaa hannanaka wadahadalka ee labada dhinac.
Gobolka Sanaag waxaa kataagaan muran siyaasadeed oo u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland kaas oo soo jiitamayey muddo dheer iyada oo aanay labada maamul siyaasad ahaan u helin hab nabadgelyo oo murankaas lagu xalliyo.