kulanka Muusa Biixi iyo Uhuura Kenyatta oo goor dhow ka dhici doona Magalada Nayroobi Caasimada Kenya iyo warar hor dhac ah oo laga helay shirkaasi

Iyadoo Magalada Nayroobi ay ku sugan yihiin wafdi uu hogaaminayo Hogaamiyaha Mamulka Gooni u goosadka Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu wadaa in saacadahah soo socda uu shir kaga furmo Caasimada Dalkaasi.

Dowlada Kenya ayaa doonaysa in ay la macaamisho Dowlad Gobaleedyada Dalka, taasi oo u muuqata mid halis ku ah qaranimada iyo Madax Banaanida Jamahuuriyada Faderaalka Soomalaiya.

Sidoo kale Dowlada Kenya oo culays kaga yimid xirirkii ay la lahayd dhigeeda Soomaaliya. ayaa hataan danaynaysa sidii ay u soo dhawaysan lahyd Maamulada dalka, islamarkana ay suuq u samaysato qaadka ka baxa dalkasi, oo wax yar halsano suuq la aan ah, wallow ay jiraan in dhuumaalaysi lagu soo galiyo Caasimada Gudahah Soomaaliya

Gudoomiyaha qaadka dlkaasi iyo ganacsatada kenya ayaa soo dhawaysay imaashaha Muuse Biixi iyo Wafdigiisa, islamarlkana wada xaajoodka ugu wayn ee Xukumada Uhuura Kenyatta ayaa ah sidii ay ugu dhaadhacin lahayeen in laga dajiyo qaadka Kenya Magalada Hargaysa.

Balse Dowlada Soomalaiya ayaa ku guulaysatay in ay maamusho hawadeeda, taasi oo culays dhabar jab ku ha Dowalda Kenya, islamarkana ay adkaan Doonto in diyaaradaha Kenya ay soo galaan hawada Soomaaliya.

Dowladada Soomaaliya ayaa marar badan ku eedaysay Kenya in Faragalin ay ku hayso Arimaha Gudaha Soomaaliya, islamarkana laga soo ababaaulo Fala lid ku ah Caasiamda Kenya.

Qaar ka tirsan Maamulada Dalka ayaa la shaqaysata Dowladaha shisheeye, sida Kenya iyo Imaraadka, waxaana inta badan Culaysyo kaga imadaa Dowlada Soomaliya Maamul Gobaladeedyada oo heshiisyo aan waafaqsanayn sharciga lagala Dowladaha Dariska iyo kuwa caalamka.