Kulanka Golaha shacabka Oo Gordhow furmay……..
Golaha shacabka baarlamaanka soomaliya ayaa maanta kulan koodi caadiga ahaa uga furmay magaalada muqdisho kadib dhowr jeer oo uu u baaqanayay kooram la aan
Waxaana maanta kulanka baarlamaanka somaliya soo xaadiray ilaa iyo 144 xildhibaan taa oo ka dhigan inuu buuxsamay sharciga kooramka baarlamaanka soomaliya ee uu kulanka ku furmi karo
Kulanka maanta ayaa looga doodadayaa ajandaha hindise sharciyeedka dhismaha ladagaalanka musuqmaasuqa dalka
Waxaana kulanka daah furay gudoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka somaliya maxamed mursal shiiq cabdiraxman iyadoo la filayo in saacado kadib uu soo xirmo kulanka
Kulankan ayaana kusoo aadaya xili maalmihii ugu dambeeyay ay baaqanayeen kulamadii ay yeelan lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka sababo la xirira kooram la’aan