khilaafka u dhaxeeya Madaxwaynaha Kenya iyo ku xigeen kiisa oo soo shaac baxay
Durba waxaa soo if baxay khilaaf u dhaxeeya labada masuul ee ugu sareysa maamulka kenya ee Uluru Kenyatta iyo William Ruto, khilaafkani ayaa salka ku haya dhaqaalo ay dhawaan xukuumada Kenyaata ka heshay Imaaraadka Carabta ee ka dhanka ah Deganaanshaha Soomaaliya.
Sida lagu daabacay qaar kamid ah wargeysyada ugu afka dheer Kenya, ayaa lagu sheegay in Rutu iyo Uhuuru khilaaf kala uu soo dhexgalay kaasoo salka ku haya lacago ay Imaaraadka soo galisay Kenya.
Ka sakow kala duwanaanshah dhanka aragtida siyaasada ee labada masuul ayaa hadana waxaa jirtay waayihii dambe dhaqaale xumo soo foodsaartay Dalka Kenya iyo musuq hareeyay xukuumada Kenyaata.
Xogo muhiim ah oo ay heshay Sareeye Fm ayaa sheegaya, in saraakiil isugu jirta diblumaasiyiin,Sirdoon iyo laanta socdaalka oo dhammaantood ka tirsan Imaaraatka ayaa soo galiyay dalka Kenya lacag ku dhaw Toban Milyan oo Doolar, taa oo lagu sheegay in loogu talagalay socodsiinta howlaha shirarka mucaaradka Soomaaliya, si meesha loogu sameeyo koox u ololeysa danaha labada dal ee Imaaraadka iyo Kenyaatiga.
Siyaasiin Soomaali ah oo horudhac u ah waxa lagu sheegay in ay sameynayaa isbadal dhanka Dowlada taa oo micneheedu yahay in Madaxda hada jirta oo uu Farmaajo ugu horeeyo daaqada lagala baxo, sababtuna tahay in aysan ka suurtagal aheyn madaxdani tanaasul iyo dabadhilifnimo.
Madaxweyne ku xigeenka kenya William Rutu ayaa sheegay in Uhuru uu noqday mid dhaqaalaha dalkaasi isku koobay uuna musuqmaasuqay lacago badan oo ay ka mid tahay dhaqaale deeq ahaan loogu siiyay xukuumada Uhuuru in ay wax kaga qabato cudurka COVID 19.
Waxaa jira dadaalo dhex dhexaadin ah oo ay wadaan saraakiisha safaaradda imaaraadka carabta ee fadhigoodu yahay Kenya, si aysan u fashilmin qorshaha ay u maleegayaan Soomaaliya, gaar ahaan arimaha doorashooyinka ee dhici doona dhawaan.