Khayre Oo Magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Maalmaha Xorriyadda
MUQDISHO – SAREEYE FM
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Maalmaha Xorriyadda
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magacaabay guddiga qaban qaabada xuska sannad guurada 59-aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26-ka June iyo 1-da July.
Xubnaha Guddiga
1 | Maxamed Cabdi Xayir Maareeye | Wasiirka Warfaafinta | Guddoomiye |
2 | C/Raxmaan Ducaale Bayle | Wasiirka Maaliyadda | Xubin |
3 | Xasan Cali Maxamed | Wasiirka gaashaan-dhigga | Xubin |
4 | Maxamed Abuukar Islaaw | Wasiirka Amniga Gudaha | Xubin |
5 | Khadiija Maxamed Diiriye | Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha | Xubin |
6 | Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf | Sadiiq Xirsi Warfaa | Xubin |
7 | Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan | Guddoomiyaha Gobalka Banaadir | Xubin |
8 | Bashiir Axmed Cusmaan | Agaasimaha golaha Wasiirrada iyo Xariirka Baarlamaanka | Xubin |
Xilka Guddiga
Guddiga ayey shaqadoodu tahay in ay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da July, in ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha shaqada ku leh maalmaha xorriyadda iyo midnimada, in ay jaan gooyaan qarashaadka ku baxaya xuska, in ay magacaabaan guddi hoosaadyada farsamo ee xuska iyo in ay kormeeraan hannaanka ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran.