Kenya “waxaan xiriir toos ah la yeelan doonaa Maamul”

Nairobi ( Sareeye FM 87.5 ) Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in ujeedka Kenya ay ula macaamilayso maamulada ay tahay si ay cadaadis dheeraad ah u saarto dowladda Federaalka oo ay Kenya ka weysay waxyaabihii ay ka doonaysay.

Waxa uu wargeyska soo qaatay sharcigii batroolka ee dhawaanta la ansixiyay , wuxuuna intaas ku daray in ceelal shidaal oo ku yaala badda ay labada dal isku heystaan..

Wargeyska wuxuu sheegay in uu ka warhayo in uu jiro go’aan cadaadiska Soomaaliya la saarayo qeyb ka ah oo ku saabsan diyaaradaha laga leeyahay Soomaaliya in lagu soo rogo shuruuc adag oo xanibaad ah.

Horey waxa ay Kenya dib usoo celisay in duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya ay soo maraan magaalada Wajeer, halkaas oo lagu soo baaro. Talaabadan ayay Kenya ku fasirtay mid amniga lagu xaqiijinayo.

Waxa kale oo uu wargeyska sheegay in qorshaha uu ka mid ah in ciidamada Kenya si qorsheysan looga soo saaro dhulkii ay ka saareen Alshabaab sanado ka hor, si culeeska loogu kordhiyo dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa bilihii dhowaa kasoo baxay deegaano dhawr ah oo ku yaala gobolka Gedo, sida deegaanka Buusaar iyo Faafaxdhuun