Kenya oo Xirtay Xadka Somaaliya Qeybta Lamu.

MUQDISHO-SAREEYE FM

isku socodkii Ganacsiga Labada Dalka.

Xuduuda ay sida gaarka ah u Xirtay ayaa ah Dhanka Lamu oo ah Mid Kenya ayaa sheegtay inay Xirtay Xadka Somaaliya islamarkaana ay joojisay kamid ah afarta Marin ee Kenya kala dhaxeysa Somaaliya.

Madaxa Boolisa ee  lamu majangi ayaa sheegay in iminka waxii ka dambeeya ay Xuduuda ay u furnaan doonto kaliyah Ciidamada Ammaanka Dowladda Kenya.

Dadka ku Nool lamu ayaa sidoo kale laga Mamnuucay inay Ganacsi la sameeyay Ganacsatada Somaaliya cidii ka dhaga Adeegtana ay lumin doonto shatiyada Ganacsiga islamarkaana Xabsiga loo Taxaabo doono.

Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen 10 jawaan oo sonkor ah oo laga keenay Somaaliya, Kuwaas oo ay ku sheegeen inay Ahaayeen kuwa Sharci darro ah.

Xiritaanka xadka ee Dhinaca Lamu ayey Dowladda Kenya ku sheegtay Arimo Ammaan.

Arintaan ayaa sidoo kale ku soo Beegmeysa Xilli ay Cirka isku sii shareertay Xiisada Siyaasadeed ee ka dhex oogan Dowladaha Somaaliya Kenya.