Kenya oo walaac ballaaran ka muujisay Weerarada aan joogsiga lahayn ee kaga imaanaya Alshabaab

Weeraradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ka fulisay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ayaa walaac dhanka ammaanka ah ku abuuray dowladda dalkaasi kenya.

Al-Shabaab ayaa weeraradeeda kordhisay inta u dhexeysay bilaha December iyo janaayo oo gudaha dalka Kenya looga dabaal dago  munaasabado uu ka mid yahay sanadka cusub. Bishii January ee sanadkii la soo dhaafay ee 2019-kii Al-Shabaab ayaa la xusuustaa in 21 ruux ay ku dishay weerar toos ahaa oo ay ku qaaday hoteelka Dusit ee magaalada Nairobi, halka sidoo kale isla bishaan January ee sanadkan cusub 2020-ka Al-Shabaab weeraro khasaaro badan geystay ka fulisay deegaano ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi