Kenya oo wahaysa dhaqaalo xumo, kadib misaniyada Dalkaasi oo yaaray
Dowlada Kenya ayaa wajahaysa Dhaqaalo yiri, islamarkaana ku qasabtay in ay raadsato lacago Dayn ah oo lagu kabo miisaaniyada Dalkaasi.
Wasiirka Maaliyada ee dalkaasi ayaa ka dhawaajiyey in xaalada kenya ay wajahayso abid meeshii ugu xumayd, kadib markii miisaaniyada Dalkaasi uu hoos u dhac wayn ku yimid.
Wasiirka Maaliyada Dalkaasi ayaa hoosta ka xariiqday in Dowlada Kenya ay u baahan tahay lacago lagu kabo daqliga wadankaasi, si sare loogu qaado miisaaniyada Dalkaasi.
Sidoo kale Wasiirka ayaa intaasi ku daray in lacagta canshuurta ee laga qaado ganacsatada dalkaasi aysan gaarsiisnayn heerkii loogu talagalay, taasina ay sababtay in culaysyo ay soo wajahaan dhaqaalo xumo Xukuumada Uhurru Kenya.
Dadka falanqeeya siyaasadda Geeska Africa ayaa ku tilmaamay In Kenya dhaqaalaha ugu badan ay ka heli jirtay Soomaaliya, islamarkaana ay sabab u tahay hoos u dhaca dhaqaale ee hadda ay wajaheyso.
Kenya ayaa ka heli jirtay dhaqaalo badan Qaadka ay keeni jirtay Soomaaliya, islamarkana waxaa ku noolaa shacabka wadankaasi kuwaasi oo hada qasaara maalin walba lacago badan.
Sidoo kale waxaa saamayn wayn u gaystay Xunuunka Covid 19, iyadoo lacagihii loogu talagalay ay lunsadeen qaar katirsan xukuumada Uhurru Kenyatta.
Sidoo kale madaxweynaha kenya ayaa ka hadlay dhaqaalo xumida soo wajahday dalkiisa