Kenya oo Mucaaradka Soomaaliya Xafiisyo uga fureysa Hargeysa

MUQDISHO – SAREEYE

Dowladda Kenya ayaa Ku Cadaadineysa Somaalida Ku dhaqan Gobalka Woqooyi bari ee Dalkaasi inay ku taageeraan Boobka ay dooneyso in Xukuumadda Nairobi ay ku qaadato Qeyb kamid ah Biyaha Somaaliya.
Marka ay arimaha Diblumaasiyadda isku qabtaan Somaaliya iyo Kenya waxay Dowladda Kenya Carada ay qabto kala Dul dhacdaa Somaali kenyanka dalkeeda ku Nool.
Todbaadkii hore Odyaal ,Siyaasiin,iyo Aqoonyahano ka soo jeeda Gobalka woqooyi bari ee Dalka Kenya ayaa Dowladda Somaaliya ka Codsaday inay ka laabato Dacwadda Badda ee hortaala Maxkamadda Caalamiga ah ee Icj,Waxaana dad badan ay rumeysanyihiin in qorshahaas ay ka dambeyso Dowladda Kenya.
Todobaad ka hor Aadan Barre Ducaale oo kamid ah Golaha Aqlabiyadda Kenya oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inuusan Dal kale sheegan Karin Dhul ay Kenya leedahay siduu hadalka U dhigay.Waxaana uu hadalkiisa sii daba dhigay in Madaxda Kenya ay kala safanyihiin qadiyaddan Taagan.
Hadalka ka soo yeeray Aadan Barre Ducaale ayey dad badani ku Tilmaameen Nasiib darro in Muwaadin Somaaliyeed uu la safto Dal Dhib ku haya Dalkiisa iyo dadkiisa.
Dowladda Kenya ayaa Geed gaaban iyo Mid dheerba waxay fuushay sidii ay u sii wadi laheyd Carqaladeynta ay ku heyso Dowladda Somaaliya iyo Shacabka Somaaliyeed.