Kenya oo ku howllan dhisitaanka Marmarsiyo ay uga baaqato dhegeysiga muddaysan ee ICJ hortaala

Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa 7-da Oktoobar u qabatay in lagu keeno codsi (petition) lagu hor joogsanayo inay Dowladda Kenya gebi ahaanba ka qayb qaadato dacwadda badda ee kala dhexeeysa Somalia, taasoo ah isku daygii ugu dambeeyay ee ay Kenya ku doonayso inay ku xagal daaciso geeddi sococdka sharci ee socda.

Codsigan oo ay soo diyaariyeen 20 qof oo Kenyan ah oo uu hoggaaminayo gayfane la yiraahdo Kiriro Wa Ngugi ayaa lagu doonayaa inaysan Kenya soo xaadirin xilliga loo mudeeyay in la dhegeysto dacdwadda labada dal oo ah 4-ta Nofeembar.

Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Kenya oo kala ah Kanyi Kimondo, Robert Limo iyo Antony Mrima ayaa sheegtay in markii codsigaa lasoo galeeyo kaddib la dhegeysan doono 9-10 Oktoobar. Kenya ayaa doonaysa inay ku andacooto inay dacwadda ka joojisey Maxkamadda Sare, balse taasi socon mayso marka loo eego Xeerka Caalamiga ah, maadaama uu go’aanka ICJ qabanayo dhamaan dalalka saxiixay xitaa haddii aysan soo xaadirin.

Kenya ayaa Somalia ku haysata dhul badeed gaaraya 150,000 km oo jibbaaran oo badwaynta Hindiya ah halkaasoo hodon ku ah kalluunka tuunnaha, saliid, gaas dabiici ah iyo macaadin kale.

Kenya ayaa dacwaddan oo ay Somalia gaystey Maxkamadda ICJ ka caga taallaynaysey tan iyo 2014, iyadoo haatan dhegeysiga ugu dambeeya loo mudeeyay Nofeembar 4 iyo 5 kaddibna 7-8, iyadoo ay markasta Somalia horreeyso.