Kenya oo hardan adag ugu jirta ka mid noqoshada 10 Wadan ee joogtada QM.
Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya, ayaa iminka u tafa xeytay inuu hogaaminaya qorshe uu dalkiisu ku doonayo inuu ku helo xubin ka mid ah 10-ka dal ee aan joogtada ahayn ee 15-ka dal ee Golaha Ammaanka QM.
Kenya ayaa dooneysa inay xubunnimada Golaha Ammaanka u adeegstao fursad ay golaha uga dhaadhiciso inay taageeraan mowqifkeeda ku aadan in wada-hadal lagu dhameeyo muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ay ka laabato kiiska horyaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ).
Haddii Kenya ay ka mid noqoto 10-ka dal ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ma heli doonto awood ay uga codeyso arrimaha muhiimka ah sida amniga, hase yeshee ka mid ahaanshaha golaha ayaa u saamixi doono fursad ay taageero ku raadsato, islamarkaana qiil ugu hesho in laga laabto kiiska maxkamadda.
Tusaale, Golaha Ammaanka, ayaa haddii Kenya ay ku dhaadhiciso in muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya uu halis ku yahay nabadda iyo ammaanka caalamka, wuxuu labada dal ku boorin karaa inay wada-hadlaan, taasi oo ah waxa Kenya ay dooneyso.
Si kastaba, dadaalka Kenya ayaa waxaa fashilanaya hal arrin oo ah, waqtiga oo aad ugu gaaban Kenya.
Xubinnimada Kenya ayaa waxaa loo codeyn doonaa marka Golaha Ammaanka uu codka qaado bisha June ee sanadda 2020, waxaana haddii Kenya ay ku guuleysato ay kursiga ku fadhin doontaa inta u dhaxeysa January ilaa December 2021.
Dhinaca kale, dacwadda Kenya iyo Soomaaliya, ayaa waxaa mar kale ay maxkamadda ICJ dhageysan doontaa inta u dhaxeysa 9-ka ilaa 13-ka September ee 2019, waxaana la filayaa in go’aanka maxkamadda lagu dhowaaqyo sanadka 2020 dhexdiisa.
Sidaas darteed, xitaa haddii Kenya ay hesho xubinnimada Golaha Ammaanka, waxay u badan tahay inay kusoo aado mar go’aanka ICJ la gaaray. Waa suurta-gal in go’aanka ICJ u dhaco ilaa sanadda 2021, balse uma badna sidaas. Waa taas sababta Kenya ay mar isugu dayday in ayada oo soo mareysa Itoobiya ay Soomaaliya ka codsato inaa hal sano la hakiyo kiiska, lana wada-hadlo, taasi oo Soomaaliya ay diiday.
Warbixtu waxey tilmaameysaa in uhuro kenyata uu qarash gareeyay labadii sano eeu danbesay lacg dhan 190,000 milion taasoo cel celis ahaan ka dhigan in 9 kii bilood ee u danbeysay madaxtooyada kenya ay bixisay 36.5m sh kenya si loogu guuleysatay ka mid noqoshada 15 ka wadan ee codka ku leh QM
Qorshahaan kenya waxaa ku taageraya ururka bulsha weynta bariga Africa ee lasoo gaabiy EAC iyo hogaamiyaasha wadamad Butuswana iyo naamibiya
Kenya ergooyin howshaas u fududeeya ayey u dirtay wadamada china Rushka iyo mareykanka oo Codka joogtada ah ku leh QM inkastoo wali cid jawaab ka siisay aysan jirin