Kenya iyo Imaaradka oo qorshaynaya in ay faragaliyaan Doorasha la filaayo in ay ka dhacdo Dalkeena Soomaaliya

Dalalka Imaaradka Carabta iyo Kenya ayaa ku isku baheysanaya  sidii ay faragalin toos ah iyo mid dadban ay ugu sameyn lahaayeen Doorashada  la filayo in ay ka dhacdo Dalka.

Kenya oo mar kaste ka shaqeysa dib u dhaca  Soomaaliya ayaa wacad ku martay in doorashada Soomaaliya ay faragalin toos ah ku sameyn doonto si uusan u soo laaban Madaxweyne Farmaajo oo ay ku tilmaameen in uu sabab u yahay hoos u dhaca ku yimid dhaqaalah, maadaama qaadkii Soomaaliya ay keeni jireen, kaas oo lacago aad u badan ay kasoo gali jireen uu xanibay Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Imaaraadka carabta oo hadda ay ku ka soo horjeedaan shacabkiisa, ka dib is xulufeysi uu la sameystay Yuhuuda ayaa isaguna qorsheeyay faragelinta Dooroshada Soomaaliya, wuxuuna taageero siiayaa  siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dalkaa, isagoo oo raba in Doorashada Dalka uu qalqal galiyo meeshana ka saro Dowalada Dalka ka taliso, si uu ugu soo laabto Soomaliya madama horey looga ceyriyay,Dowladana ay albaabada isugu dhufatay saldhigii ugu weynaa oo uu Imaaraadka ku lahaa  Soomaaliya