Kenya iyo Imaaraatka oo Madaxda Maamul Gobaleedyada shir ugu Qabanaya Magaalada Nairobi.
MUQDISHO – SAREEYE FM
Xukuumadda Nairobi oo ka Faa’iideysaneysa Khilaafka ka dhex oogaan Dowladda Somaaliya iyo Dowlad Gobaleedyada Dalka Ka jira ayaa shir isugu yeertay Qaar kamid ah Madaxda maamul Gobaleedyada Dalka.
Madaxda Hirshabeele,Puntland ,Jubaland iyo Galmudug ayaa lagu in Shir ay ku yeeshaan Magaalada Nairobi iyagoo la kulmi doona Madaxda dowladda Kenya iyo xubno ka socda Imaaraatka Carabta.
Madaxweynayaasha Jubaland iyo Hirshabeele Axmed madowbe iyo Maxamed Cabdi waare ayaa kal hore gaaray magaalada Nairobi,Waxaana sidoo kale lagu wadaa in Saacadaha Soo socda uu gaaro Magaalada Nairobi Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi deni oo ka imaan Doona Imaaraatka.halka sidoo kale lagu wado isna inuu halkaas tago Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf.
Madaxweynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi waare ayaa Markii ugun horeysay ka soo Muuqday kulan gooni ah oo ay yeelanayaan Madaxda Maamul Gobaleedyada Tan iyo Markii sanad ka hor uu isaga baxay Golaha iskaashiga Maamul gobaleedyada.
Ilo ku dhaw djow kulankan ayaa sheegaya in Madaxda Maamul gobaleedyada Ay ka dalban doonaa Xubnaha Beesha caalamka in La sameeyo qorshe road map ah oo dalka lagu gaarsiiyo Sanadka 2020ka.
Bishii la soo dhaafay ayey eheed Markii uu Fashil ku dhamaaday Shir Madaxda Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul Gobaleedyada ay ku yeesheen Magaalada Garowe kaasi oo ay la isku Mari waayay Qodobada dhowr ah oo shirka lagu lafa Guray.
Waxyaabaha ay Lawada Dhinac ay isku mari waayeen ayaa waxaa kamid ah Qaabka loo wajahayo Arimaha Doorashooyinka Dalka ee sanadka 2020ka iyo Sharciga Batroolka oo ay ka soo horjesteen Madaxda Maamul Gobaleedyada Taas oo Dowladda Kenya ay Madaxda Maamul Gobaleedyada ku Cadaadineysay inay ka Hor yimaadan sharcigaas.
Dowladda Kenya ayaa qalan Xoogan waxay ku leedahay jubooyinka iyadoo hadda Faraha kula jirta arimaha Doorashooyinka Jubaland ,Waxayna Dadaalka ugu Badan ku bixineysaa sidii uu soo laaban lahaa Madaxweynaha Hadda Xilka ka sii Dhamaanayo ee jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe