Jabuuti oo ka diiday Kenya inay uga Tanaasusho Kursi lagu dhibaatayn karo Somalia
Dawladda Jabuuti ayaa ka biyo diiday in ay Kenya uga tanaasusho xubinimadda aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramadda Midoobay, sidda uu ku waramayo wargeyska afka dheer Daily Nation.
Dalalkan kawada tirsan Geeska qaaradda Afrika ayaa aad ugu loolamaya jagadaan, oo la filayo in Golaha Guud ee UN-ka uu u coddeeyo bisha June, iyadda oo cod-bixinta ugu dambeysay loo muddeeyay 21 August.
Dowladahan ayaa waxay wadaan dedaaladii ugu dambeeyay oo ay ku hananayaan xilkaasi aadka muhiimka u ah, iyaga oo taageero waydiisanaya wadamada ay xulafadda la yihiin ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.
Guuleystaha xilkan ayaa wuxuu u baahan in uu helo codad gaaraya saddex meelmood laba dalool oo ah wadamadda qaybta ah ururka ay ku mideysan yihiin dalalka dunida.
Midkood Kenya iyo Jabuuti, dhinacii kusoo baxa xilkan ayaa wuxuu golahaasi xubin ka ahaan doonaa inta u dhaxeysa 2021 illaa iyo sanadka xiga ee 2022.
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, unug awood badan oo UN-ka ka tirsan, ayaa ka kooban 15 xubnood oo Shan kamid ah yihiin kuwa joogta ah, halka inta soo hartay lasoo doorto labadii sano hal jeer.
Xubnaha joogtada ah oo kala ah; Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Shiinaha iyo Faransiiska ayaa waxay haystaan awood dheeraad ah oo la yiraahdo codka diidmada qayaxan.
Faa’iidooyinka dheeraad ah ee ay leedahay kamid noqoshada golahan ayaa waxaa kamid ah jaan-goynta Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka guud ahaan caalamka.
Kenya ayaa dooneysa inay xubunnimada Golaha Ammaanka u adeegstao fursad ay golaha uga dhaadhiciso inay taageeraan mowqifkeeda ku aadan in wada-hadal lagu dhameeyo muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ay ka laabato kiiska horyaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ).
Haddii Kenya ay ka mid noqoto 10-ka dal ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ma heli doonto awood ay uga codeyso arrimaha muhiimka ah sida amniga, hase yeshee ka mid ahaanshaha golaha ayaa u saamixi doono fursad ay taageero ku raadsato, islamarkaana qiil ugu hesho in laga laabto kiiska maxkamadda.