Jabhada Korneeyl Caare oo shuruud adag ku xirtay Soomaaliland
Korneyl saciid cawil jaamac caare waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu firfircooneyd ee ku jiray maamulka somaliland.
hase ahaatee khilaaf soo kala dhex galay ayaa sababay in col caare iyo in ka badan 400-askar ay u goosteen dhinaca maamulka puntland.
col-ka ayaa sababaha uu kaga goostay somaliland ku sheegay in cadaalad darro baahsan ay ka jirto somaliland isla markaana awooda somaliland ay isku koobeen cid gaar ah.
somaliland ayay aad u xanuujisay tirada intaas la eg ee ka goosatay ciidamada somaliland waxaana uu madaxweynaha somaliland muuse biixi dhowr jeer qadka taleefanka kula hadlay col caare si uu dib ugu soo noqdo somaliland,balse col caare uu ka biyo diiday
jabhada dulmi diidka col caare waxa si diiran loogu soo dhoweeyay garoowe iyaga oo saldhig ka helay magaalada qardho ee puntland.
somaliland waxa ay diyaarisay qorsheyaal badan oo lagu qaarajinayo cal caare balse ma aysan noqon kuwa guuleysata sida uu col caare sheegay.
Col care iyo ciidamadiisa ayaa dib ugu soo laabtay gobolkla sanaag iyagoo saldhig ka sameystay buuraleyda xamaas oo dhinca waqooyi cel-celis ahaan kaga 40km magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag.
Ciidamada Somaliland ayaa dhowr jeer isku dayay in ay gacanta ku dhigaan col care balse ciidamada jabhada dulmi diid ayaa iska caabiyay weeraro kaga yimid ciidamada Somaliland.
Odayaasha dhaqanka gobolka sanaag ayaa 5-qodob hor dhigay Somaliland taas oo ku aadaneyd shuruudo kaga yimid jabhada dulm diid ee uu hogaamiyo col saciid cawil jaamac care.
5-ta qodob oo ay odayaasha dhaqanka gobolka sanaag u gudbiyeen Somaliland ayaa kala ahaa
1. in Siciid Cawil jaamc (care) loo dalacsiiyo derejada Janaraal.
2. in la qarameeyo ciidanka uu wato oo ah 400 oo nin
3. in mag-dhaw laga bixiyo hubka lagu qaramaynayo oo qiimihiisu joogo 2,000,000 dollar (Laba Milyan Dollar) maadaama oo uu yahay hanti qabiil.
4. Wixii khasaare ka dhashay dagaalkii tuulada Dhoob waxa masuul ka ah dowladda, maadaama oo uu wada hadal socday.
5. in lasii daayo xubnihii jabhadda laga qabtay ee deegaanka Dhoob.
6. in si bilaa shuruud ah lagu sii daayo inamadii lagu qabtay Cadayo iyagoo aan wax fal-dambiyeed ah gelin.
,balse Somaliland oo aad uga cagajiideysay aqbalida qodobadaas ayaanan wax jawaab ah siinin odayaashii dhaqanka ee ka socday col care.
Banaanbaxyo lagu taageeraayo col caare ayaa ka dhacay magaalooyinka burco iyo ceerigaabo oo ka kala tirsan gobolada sanaag iyo togdheer.
Dadka banaanbaxayay ayaa ku qeylinayay ereyo ay kaga soo horjeedaan maamulka Somaliland.
Ciidamada jabhada dulim diid ayaa mar kale qabsaday saldhig Cusub oo ku yaalla wadada Halbawlaha ee “Karinka” halkaas oo istaraatiiji u ah isu socodka gaadiida iyo dadweynaha gobolka sanaag.
Ciidamo hubeysan oo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa mar kale weerar ku qaaday jabhada iyadoo 3-askari oo ka tirsan Somaliland lagu dilay dagaalkas in ka badan 5-askari na uu dhaawac ka soo gaaray.
Tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweynaha maamulka Somaliland muuse biixi cabdi ayay is bedeshay siyaasadda Somaliland iyadoo ay soo baxeen jabhado ka soo horjeeda Somaliland