Itoobiya, Masar, Suudaan ayaa gaadhay ‘isfaham guud’ oo ku saabsan biyo-xidheenka wabiga niil

Raiisel wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa Talaadadii sheegay in dalkiisa Ethopia , Masar, iyo Suudaan ay gaareen “isfaham guud oo wadadi u furaya heshiis is-afgarad” oo ku saabsan mashruuc biyo-xireenno baaxad leh oo horseeday xiisado gobolka ka soo cusboonaaday iyo cabsi laga qabo iska hor imaad militari.

Masar iyo Suudaan waxay u arkaan biyo-xidheenku inay khatar weyn ku yihiin sahayda biyaha ee muhiimka ah, halka Itoobiya ay u aragto inay lagama maarmaan u tahay korantada iyo horumarinteeda.

Bayaanka ka soo baxay xafiiska Abiy Ahmed ayaa ku soo beegmaya xilli sawirro dayax gacmeed cusub oo muujinaya Heerka biyaha ee haanta kaydka ayaa ku dhow in la dhammaystiro $ 4.6bn dollar ayaa ah kan  ugu sarrayo ugu yaraan afar sano.

Toddobaadkii la soo dhaafay Itoobiya waxay qireysaa in biyo lagu uruurinayo kaydka biyo xireenka, in kasta oo mas’uuliyiintu sheegeen in tani ay “qayb dabiici ah” ka tahay hannaanka dhismaha.

Itoobiya ayaa sheegtay in biyaha soo kacaya ay ka dhasheen roobab mahiigaan ah, waxaana bayaanka lagu yiri, “waxay cadeysay labadii isbuuc ee la soo dhaafay xilli roobaadka in biyo xireenkii koowaad ee sanadkii hore la gaarey iyo biyo xireenka howsha dhismaha horey u buux dhaafiyey. “

Itoobiya ayaa horay u sheegtay inay bilaabi doonto buuxinta kaydka biyo xireenka, kan ugu weyn qaarada Afrika, bishaan xitaa iyada oo aan heshiis la gaarin wadamada daariska  xilli roobaadka ayaa daadad ku haya wabiga Niil.Laakiin bayaankan cusub ayaa lagu sheegay in saddexda hoggaamiye ee waddanku ay ku heshiiyeen inay sii wadaan “wada hadallo farsamo oo dheeri ah oo ku saabsan buuxinta … oo ay u sii socdaan heshiis dhammaystiran”.

Bayaanka ma uusan bixin faahfaahin ku saabsan wadahadalada Talaadada, oo uu dhexdhexaadin ka hayo guddoomiyaha Midowga Afrika ee hadda jira iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, ama wixii lagu heshiiyay.

Laakiin wada hadalada udhaxeeya hogaamiyaasha dalka ayaa muujiyay ahmiyada halista ah ee la saaray sidii loo heli lahaa qaab lagu xaliyo xiisada ka taagan wabiga Niil oo ah mid muhiim u ah dhamaan dadka ku lugta leh.