Israel iyo Imaaraadka oo ku heshiiyey inay xiriir diblomaasiyadeed yeeshaan

Isutaga Imaraadka Carabta iyo Israa’iil ayaa galay heshiisyo laxariir dhanka Diblumaasiyada, ayada oo maamulka Yahuudu xoog ku heystaan dhulka reer falastiin.
Maamulka Israa´iil ee Yahuuda ayaa dhibaato xadgudub, dil iyo boob ah ku haysa muslimiinta ku dhaqan falstiin oo inta badan ah caadalad sugayaal, maadama ay garab ka wayeen wadama Carabta gaar ahaan dawladaha Khaliijka, Sida Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Madaxwaynaha Mareykanka Doland Trump ayaa sheegay in Imaaradka Carabta Iyo Israa’iil ay isku raaceen in aysamaystaan heeshiis Diblomaasiyadeed kaasi oo ay labada dawladood isaga Kaashan doonan dhankasta gaar ahaan si ay hormar u gaaran labada dhinac.
Arintaan ayaa ka dhigaysa Imaaradka Carabta, dalkii ugu horeyey oo kamid ah kuwa Khaliijka, iyadoo oo uu noqonayo dalkii Sadexaad oo si rasmi ah xirrir ula yeesha Israa’iil.
Israa’iil, ayaa waxaa horey xariir ula yeeshay Dawladaha Masar iyo Jordan ayadoo dalka sadexaad uu naqonayo Imaaradka carabta.
Xiriirka Israa’iil iyo Imaraadka Carabta ayaa guul wayn u ah Trump, ka hor doorashada Madaxwane oo dhacaysa Bisha November ee sanadkaan
Dhanka kale Boqotooyada Sucuud Carabiya ayaa hawadeeda u fasaxday diyaaradaha dowlada israa’iil, aydoo dusha ka dawaanaysa dhibatada ay ku hayso Dowlada Israa’iil musliminta falasatiin, iyo Shacabkeeda,
Suucuudiga oo ah wadama ugu awooda badan dadan dwladaha muslimiinta, sidoo kalena ah wadama ugu dhaqaalaha badan ayaa inta badan la safta Dawladaha Maraynkan iyo Israa’iil.
Maamulka Falastiin ayaa cambaareeyay heshiiskan waxaana ay sheegeen in ay tahay wax laga xumaado in wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka lasaftaan maamulka Yahuuda.
Sarkaal sare oo katirsan Falastiini oo lagu magaabo Hanaan Ashraawi ayaa dhaliishay heshiiska Israa´iil iyo Imaaraadka Carabta, Qoraal ay soo dhigtay twiteerka ayeey ku sheegtay in uu sii dheeraynayo haysashada Israa’iil ee Daanta Galbeed.