Imraadka Carabta oo sii laba jibaaray damaciisa Soomaaliya

Isutaga Imaaradka Carabta ayaa damac kaga jiraa in uu la wareego Jasiirad kamid ah Jasiiradaha Soomaaliya oo lagu magacaabo Suqadara.
Suqadara waa jasiirad yar oo udhaxeysa labada wadan ee Soomaaliya iyo Yeman,waxay ka kooban tahay ama ay leedahay ilaa iyo 6 jasiiradood oo ku taal Badweynta Hindiya una dhow Gacanka Cadan ama gacanka cadmeed, oo qiyaastii 240 kiiloomitir (150 mile) bari ka xigta xeebta Soomaaliya iyo 380 kiiloomitir (240 mayl) koonfurta Jasiiradda Carbeed. Dhererka jasiiradda Suqadara qiyaastii waa ilaa 125 km ballackiisuna waa 42 km, dhererka xeebta xeebta waa 300 km,Dadka ku dhaqan intooda badan waxay leeyihiin dhaqan carbeed.
Waxaa damac kaga jiraa Jasiiradan Imaaraadka Carabta oo bilaabay in uu siiyo dadka halkaasi ku dhaqan sharciyada Imaaraadka, si uu ula wareego jasiraadasi oo ah jasiirad aan meelna xuduud kala wadaagin balse dmaaca tusay inuu hantiyo.
Imaraadka Carabta ayaa hada haysta qaar kamid ah Dakadaha Soomaaliya, sida Barbara iyo Boosaaso,asgoo dhaqalo badan ka sameeyaa, waxaana ugacan galiyay maamulada Buuntlaan iyo Soomalind.
Idaacada Sareeye ayaa heshay xog dheeri ah oo ku saabsan in Imaraadka carabta ay kuhowlantahay faragalin ka dhan jasiiradaha Soomaaliya & guud ahaan madaxbanaanida dalka Soomaaliya.
Aqoonyahan ka faalooda siyaasada iyo xiriirka caalamiga ah kuna taqasusay geeska afrika iyo Nabadda, oo lagu magacaabo Maxamed Xassan Nuur oo wax ka qoray xiriirka Imaaraadka & Soomaaliya oo ay soo xiganeysa idaacada Sareeye ayaa yiri ´´Dhaqamada Imaaraadku waa gadaal ka riixnimo sida in Mucaaradka iyo qaar ka mid ah Maamul Gobaleedya oo dhaqaale kusiiyaan si ay dahanahooda ugu gaaraan, wuxuu intaasi raaciyay Soomaaliya iyana iska quusan waa uun iska difaac aan tabarbadan heyn, aqoonyahanku wuxuu farta ku goday maamul goboleydyada qaar oo uusan carrabaabin isagoo dulmar ahaan u yiri qaar baa latagay shartooda qaarna waa calwinayaa oo uu ula jeedaya biyaha ayeey wasaqda ku walaaqayaan´´.
Dhanka kale waayihii dambe Imaaraadka waxuu ku howlanaa shirar beeleedyo oo looga soo horjeedo dawlada ama u abaabulan hab mucaaradnimo ah oo ka qeyb galayaasha ama hogaankooda qaar ku hanjabeen in hubkii dalka lagu burburiyay wali gacantooda kujiro.
Imaraadka Carabta ayaa damciisa wayn uu yahay sidii uu saamayn baalaran ugu yeelan lahaa Soomaliya, asgoo hadana qorshaynaya sidii uu uga dhexmuuqan lahaa doorashada soo socota, gaadaalka uu ka riixayo Mucaaradka.
Dowlada Soomaaliya ayaa dalka ka saartay xero milatiri oo uu lahaa imaraadka, sidoo kalana uu ku tababaran jiray ciidamo asga ka amarqaata. Balse dowlada Soomaaliya oo u cuntamiwaysay ayaa ugu dambayn dalka ka saartay Sanadii 2018kii cidamadii ka hawl gali jiray Soomaliya Gaar ahaan Caasimada.
Sidoo kale isla sanadkaas ayaa waxaa garoonka digaaradaha Adan cade lagu qabtay diyaarad laga leeyahay Imaraadka Carabta taasi oo siday lacag larabay in lagu afgabiyo Dowlada Soomaliya, basle ugu damabyan waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ka hawl gala guda goroonka magalada muqdisho.