Imaaraatka oo wada qorshe uu ku hor istaagayo in Soomaaliya ay soo saarato shidaalkeeda
Somalia ayaa markii ugu horreeysey taariikhda waxay qarka u saaran tahay in lasoo saaro shidaalkeeda oo sanado badan ahaa dhibaato istaraatijiyadeed oo dalka haysata.
Hase haatee waxaa jira dalal awal is qarin jirey balse howlohooda u fulin jirey qaab doqoni ma garato ah oo aan xitaa fahmi karin madaxdii Somalia soo hoggaamisey ama si ay dano gaar ah u gaaraan aysan dan ka lahaan jirin, waana dalal Carbeed oo ay ugu horreeyaan kuwa Khaliijku, waxaana iminka bannaanka is keenay Imaaraadka Carabta oo aan kaliya ka naxsanayn shidaal soo saarista, balse sidoo kale ka cabsanaya in Somalia oo ku taalla meel ka istaraatijisan ay dekedihiisa albaabada ka xirto.
Waxaan qarsoodi ahayn inuu adeegsanayo siyaasiyiin badan oo kala duwan, kuwaasoo uu qaarkood doonayo in ay xitaa la wareegaan xilka ugu sarreeya dalka, si ay tiisa u meel mariyaan.
Waxaa haddaba arrinta ay wadaan dalkan iyo guud ahaanba Khaliijka markale ka hadlay siyaasiga Faarax Macallin oo bartiisa Twitter-ka kusoo qoray sidatan:
”Hoggaamiyeyaasha Afrikaanka waxaa la siiyaa laaluush rakhiish ah si ay dalkooda khilaafyo uga huriyaan, halka Galbeedka iyo Shiinuhu ay dhiig miiranayaan macaadinta dalka.”
”Tan ugu yaabka badani dhanka Soomaalida waa siyaasiyiin calooshood u shaqaystayaal ah oo ay dalalka Khaliijku lacag ku siinayaan si aan loosoo saarin Saliidda iyo Gaaska Somalia si uu dalku uga faa’iidaysto.”
Dalalka khaliijka oo uu ugu horeeyo imaaraatka weligood ganacsi xagga shidaalka ayay kula jireen soomaaliya,waxaana uu imaaraatku lacago bilaayiin doolar ah ka helaa dhoofinta shidaalka dalkiisa laga soo saaro.
Sahan laga sameeyay soomaaliya ayaa banaanka soo dhigtay shidaal iyo macaadin badan oo ku jira qeybo badan oo ka mida gobolada soomaaliya taas oo ay hubanti tahay in uu dabooli karo guud ahaan baahida dhaqaale ee heysata soomaaliya.
Cidhifka ugu danbeeya ee geeska afrika ayay dhacdaa soomaaliya waxaana ay leedahay dekedo muhiim ah oo isku xira dalalka afrika iyo bariga dhexe taas oo sahli kartaa in caalamku uu ka soo weecdo shidaalka uu ka iibsado imaaraatka.
Dhagarta imaaraatka ma ahan mid qarsoon,waxaana uu hadda si toos ah u adeegsadaa qaar ka mida hogaamiyayaasha dowlad goboleedyada kuwaas oo xoogga lacago ah ku badeshay horumarka dalkooda.