Ilhaan Cumar Oo La Ogaaday Iney Ka Mid Aheyd Xildhibaanadii U Codeyay In Soomaaliya Deymaha Aan Laga Cafin ( Warbixin)

Dhawaan xildhibaanada labada aqal Mareekan ayaa si isku mid ah ugu codeyay deynta cafinta soomaaliya taaso gareysay lacag dhan 1 bilyan oo dolar oo  uu mareynka Soomliya kulahaa

Hadaba badaritaano ay sameysay idaacada sareeye ayey ku heshay Warqadii ay ku kala codeeyeen labada xisbi ee democratic iyo republican waxaa ku xusnaa in xildhibaanad Ilhaan Omar oo ah gabar soomali mareykan ah kana tirsan aqalka kongareyska ay ka mid aheyd tiro xildhibaano oo diiday in Somalia deynta laga cafiyo

Docomentigan ay heshay idaacadda Sareeye ayaa ayaa u qornaa sida tan

‘ Warqadan oo Abaaro  2:15  PM  xiliga America kuna taariikheysan 17-Dec-2019 ayaa waxaa cinwaakeedu uu ahaa Natiijada Codeyntii ugu danbeysay laba aqal ee baarlamaanka Mareynka ay ka yeeshaan deyn cafinta soomaliya

sharciga loo cuskanayy  deynta Cafinta Soomaaliya ayaaa waxaa uu ahaa sharciga numberkiisu uu yahay  H R 1158

tirada xildhibaanada laba aqal ee kasoo qeyb galay u codeynta sharcigaasi deymaha looga cafinayay soomaaliya ayey kala gaarayeen 280 mudane oo isugu jira codeyntii ay kala sameeyeen laba aqal ee baarlamaanka mareykanka, waxeyna u kala codeeyeen sida tan

Fadhiga xildhibaanada Xibiga dimocratiga waxaa ay kaga soo qeyb galeen 232 mudane waxaa in soomaliya deynta laga cafiyo HAA tiri 150 halka 75 kalena ay diideen waxaana ka aamusutay 7 waxaana meeshaan ku cad in xildhibaan ilhaan ay ka mid aheyd xildhibaanada gacanta u taagay maya 

Dhinaca kala fadhiga ay isugu yimadeen xildhibaanda xisbiga Republicanca ayaa iyaguna tiradoodu waxey gaareysay 197 Mudane waxaana Soomaalia in deynta laga cafiyo HAA tiri 130 mudane waxaa diiday 62 xildhibaan Halka ay ka aamuseen 5 xildhibaaan

Isku dar tirada laba aqal ee u codeysay in soomaaliya deymaha mareykanka laga cafiyo u codeysay 280 mudane waxaa diiday 138 ay halka ay ka aamuseen 12 xildhibaan

Hadaba meesha waxaa ka muuqata in xildhibaan ilhaan cumar ay ka mid ahyed 75 ta xildhibaan ee xisbiga democratice –ga  ee gacan taaga diidmada ah u muujiyay Soomaaliya in deymaha Mareykanka laga cafiyo ogowse in xildhibaanad ilhan ay tahay Gabar Soomaaliyeed kuna dhalatay wadanka loo codeynayay in deymaha laga cafiyo

fadlan linkiga hoose ku dhufo si aad u aragto Documents ka

http://clerk.house.gov/evs/2019/roll690.xml

Si is boorqaris ah kuna dabooleysa guuladara ay kala kulantay in Soomaaliya deynta aan laga cafin  iyo sidoo kale hagardaamada ay xildhibaan ilhaan la damacsan tahay Soomaaliya ayey soo saartay warqad ku sheeganeyso  ay ku sheegeyso iney ku faraxsan tahay in soomaaliya deymihii mareykan laga cafiyay aydoona warqadaasi laga dheehan karay in ay ayadu hormuud  u aheyd in dadaaladii lagu huuleysaty in deymahaasi la cifiyo  warqadeeda ay ku tiri  

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ku guuleysanay in la cafiyo deynta uu Mareykanka ku lahaa Soomaaliya, waxaa Soomaaliya lagu lahaa deymo aad u badan, taas oo dib u dhac ku keentay dhaqaalaha, malaayin qofna ka dhigtay faqri,” ayey ku sheegtay war qoraal ah oo ay soo saartay”

Sido kale warqadii kasoo baxday xafiiskeeda ayey ku sheegtay

 “Deyn cafinta waxay guul muhiim ah u tahay, ayna muujineysaa horumarka Dowladda Soomaaliya ay gaadhay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, mana ahan in tani loo arko arrin gebogebo ah, balse waa in loo arkaa bilawga xiriir diblomaasi oo horleh.

Durba Warbaahinta soomaaliya ayaa soo xigtay Qoraalka Ilhaan cumar waxey bulshada soomaaliyeed ku tilmaameen in ilhaan ay tahay halyeyad u soo baxday soomaaliya taasoo markii danbe noqotay waxba kama jiraaan

Xitaa waxaa la yaaab leh in xildhibaanad ilhaan aysan ka mid noqon 12 xildhibaan ee ka aamusay balse taas badalkeeda waxey doorbiday iney soomaaliya oo ah dal ay ku dhalatay isla markaana la daalaa dhacaya dhibaatiiyin dhaqaalo oo sababay burburkii dalka ayey ayana ku biirisay codkeeda inta diiday in deymaha Mareykanka Soomaaliya wali uu kulahaado taasoo dhabar jab ku ahaan laheyd in Dalka Soomaaliya wali uu ku jiro dhibaatooyin dhaqaale ayna adag tahay in deymo kale oo horleh lagu siiyo

Sidoo kale waxaa jiray oo markii danbe siweyn u soo shaac baxay iney iska furtay seygeedii hore Axmed Xirsi oo isna ah shaqsi Soomaali Mareykan ah waxeyna Ilhaan Cumar ku badalatay Team Miniyet oo ah mudaadin mareykan ah ayadoo xiriir hoose kala dhaxeeyay intii uu qaby Axmed Xirsi.

Ilhaan ayaa siyaasad xumeeedeeda ku yeelatay  cadaw badan kuwaas oo qaab kala duwan ama sababo kala duwan uga soo horjeeda s .

Ilhan Omar ayaa Waxa ay ciyaartaa Siyaasada nooca i taabo aan ku taabte . Waxa ay yeelatay cadaw badan kuwaas uu ka mid yahay Madaxweynaha Donald Trump .

Shacabka Soomaaliyeed ee u doortyay xilka ay hada heyso Ilhaan Omar ayaa badankood hada kala noqday taageeradii ay u hayeen kadib Markay Taageero cad u muujisay Dadka isku jinsiga ku nool wadankan .

Ilhan Omar oo mar walba Warbaahinta la soo istaagta iyadoo sheegaysa in ay dadaal ugu jirto u dagaalanka Xaquuqda dadka isku jinsiga ah sida iney raggu is guursan karaanayadoona marnaba soo hadal qaadin dadkii Soomaaliyeed ee Codkeeda ay ku soo baxday iyo dalkii Soomaaliya oo ay ku dhalatay , waxaana taa badalkeeda ay ka hadaha wadamada Carabta

Doorashada sanadka soo socda 2020 ayaa waxaa la filayaa in ay isa soo sharaxaan Somali badan oo raba in ay Xilka ka qaadaan Ilhaan Maadama ay taageertay inta ay Xafiiska heysay waxyaabo lid ku ah Diinta Islaamka iyo dhaqanka Somaalida.