IIRAAN ” waa fashilmay Mareykanka Cadaadiskuu uu na saaray”
Madaxweynaha IIRAAN Xasan Rouhani ayaa sheegay in Maraykanka laga doonayo inuu iska fogeeyo xubnaha dagaalka u ololeeya, hadalkan oo uu ku soo beegay kadib markii la casilay Lataliyihii Amniga Madaxweynaha Maraykanka John Bolton.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu Lataliyihiisa Amniga John Bolton uu shaqada ka eryey kadib markii ay isku afgaran waayeen arrimo badan oo xasaasi ah oo ay kamid yihiin wadahadaladii lagula jiray Dowlada Kuuriya Waqooyi.
Bolton ayaa isagu bartiisa Twitterka ku qoray in aan la casilin balse uu isagu Isniintii lasoo dhaafay istiqaaladiisa u geeyey Madaxweynaha Maraykanka.
John Bolton oo horey ulla soo shaqeeyey xukuumada George W Bush ayaa kamid ahaa xubnihii u ololeeyey dagaalkii Ciraaq, isla markaana aad u taageera Israel iyo farogelinta Militari ee Maraykanka ee caalamka, wuxuuna muddooyinkii danbe olole xoogan ugu jiray cadaadiska lagu hayo dowlada Iran.
Xog laga helayo Aqalka Cad ayaa sheegaya in marka laga yimaado khilaafka Madaxweynaha in John Bolton ay sidoo kale isku dhaceen xubno awood badan kuleh Madaxtooyada Maraykanka sida, Caruurta uu dhalay Trump, Xaaska Trump iyo waliba Xoghayaha Arrimaha Dibada Mike Pompeo.
Madaxweynaha Iran ayaa sheegay in dowlada Maraykanka danteeda ay ku jirto inay iska fogeyso xubnaha dagaalka u ololeeya, wuxuu sidoo kale sheegay in Maraykanka uu meesha ka saaro cunaqabateynta iyo weerarka dhaqaale oo uu ku hayo wadanka Iran.
Rouhani ayaa sheegay in cadaadiskii Maraykanka ku hayey Iran uu yahay mid fashilmay, isla markaana aysan wax kulan fool ka fool ah la yeelan doonin Maraykanka, illaa la qaadayo cunaqabateynta.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani inta uu socdo shirweynaha Qaramada Midoobay oo ay kawada qeyb geli doonaan, balse hadalka kasoo baxay Madaxweyne Rouhani ayaa u muuqda mid ay Iran ku xoojineyso gorgortanka ay kula jirto Washington.