IGAD iyo Axmed madoobe oo is fahmi waayey iyo wararkii ugu dambeyey Doorashada Juballand
Wararka naga sooo garaaya magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ha ee Juballand ayaa ku waramaya in kulan dhex maray wufuud ka socotay ururk IGAD iyo Ahmed madoobe ay xalay shir muhiim ah wada qaateen kaas oo looga hadlayey amaanka magaalada kismaayo iyo Doorashada maamul Gobeeldka Jublland.
Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa wada qaatay ergeyga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr Maxamed Cali Guyo iyo madaxweyne Axmed Madoobe.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashada Jubbaland iyo tabashada ay qabaan musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaa Juballand.
Ugu horreyn wakiilka ayaa warbixin ka dhageystay Axmed Madoobe, taas oo ku aadan arrimaha ammaanka, doorashada iyo xaaladda guud ee dowlad goboleedka Jubbaland
Warar ay warbaahintu heshay ayaa sheegaya in ergeyga IGAD uu soo jeediyey in ururkooda uu goobjoog ka ahaado doorashada, balse taasi uu ka biyo diiday madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Wuxuu tilmaamay in arrimaha doorashada iyo qaban qaabadeeda ay u madax banaan yihiin guddiga doorashada maamulkaasi oo uu isagu magacaabay.
Weli waxaa uu is jiid-jiid ka taagan yahay doorashada Jubbaland oo lagu wado in la qabto bishan August ee 2019-ka.