HOTEL KU YAALA MAGALADA LAASA CAANOOD OO LAGA TAAGAY CALANKA SOOMAALIY
Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamadda Somaliland ay la wareegeen Hotel cusub oo lagu magacaabo Peace, kaas oo maanta laga furay Laascanood isla markaana la suray calamo uu ka mid yahay calanka Soomaaliya.
Ciidamada ayaa la sheegayaa in ay dhulka dhigeen calanka Buluugga ah ee Soomaaliya, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Sidoo kale ciidamada soomaaliland ayaa la sheegay in ay xireen qaar kamid ah milkiilayaasha Hotelka iyo Wariyeyaal halkaasi u tegay soo tebinta daahfurka Hotelkaasi.
Ujeedka ka dambeysay arintan oo ciidamada Soomaaliland ay ula wareegeen Hotelka ayaa lagu sheegay inay tahay kadib markii kasoo horjeedaan Calanka Soomaaliya ee Buluuga ah ee la suray Hotelka, iyada oo ay xusid mudan tahay in Soomaaliland dhowr mar ay xirtay dad Hargeysa ku xirtay dhar loo ekeysiiyey Calanka Soomaaliya.
Masuuliyiinta Soomaaliland ayaan weli war ka soo saarin warkan