Hoos u dhac ku yimid shirkadda Dp world ee sharci darrada ku so gashay soomaaliya
Sharikadda Dekadaha ee Dubai ee DP-World ayaa sheegtay in ay Bankiyada Caalamka ka la’dahay lacagaha deymaha ah ee ay maalgashiga ku sameyso kaddib khilaafkii dowladda Jabuuti dib ugula wareegtay Dekadda Dooraale.
Sultan Ahmed bin Sulayem oo ah Guddoomiyaha Sharikadda Dp World ayaa yidh “wax waan maalgelinaa, laakiin qiimo badan ayey noogu kacdaa,halkaas weeye halka uu dhaawacu naga soo gaarayo”
Waxaa kale oo uu hadalkiisa raaciyay: “Bangiyo yar ayaa na siiya deynta, iyagiina su’aal ayey na weydiiyaan oo ah, haddii Dowladda idinkala wareegto mashruucyadda sida Jabuuti oo kale maxaa dhacaya?, taas ayaa dhibaato nagu heyso”.
Dowladda Jabuuti ayaa Bishii February ee sanadkii 2018kii la wareegtay dekadda Dooraale markii ay isqabteen Shirkadda DPworld.
Sidoo kale kal hore Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalka ka ceyriyay shirkadan laga leeyahay dalka imaaraatka,ka dib markii ay ay ku soo xadgudubtay madaxbanaanida dalka.
Dp World waxa ay weli si sharci darro ah uga howlgashaa dekedaha boosaaso iyo berbera,iyadoo ka faa’iideysaneysa daqliga soo gala dekedahaas.