Hogaamiyaha Putlaand Siciid Dani oo Safar ku tagay Caasimada Kenya ee Neeyroobi

Iyadoo dowladda Kenya ay dhibaatooyin ku heyso shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Gedo isla markaana ay faragelin toos ah ay dooneyso in ay ku sameyso dooroshooyinka Soomaaliya ayaa shalay waxaa kenya gaaray madaxweynaha dowlad goboleedka puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Safarka deni ee Kenya ayaa banaanka soo dhigay tuhunka ay dad badan ka qabeen xiriirka ay kenya la leedahay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Deni ayaa waxaa madaarka Jooma Kenyaata kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan madaxtooyada Kenya, diblumaasiyiin sarsare iyo agaasimaha sirdoonka Kenya Major General Philip Wachira Kameru, Alexander Muteshi oo isn ah madaxa sirdoonka ajnabiga iyo waaxada socdaalka iyo jinsiyada kenya.

Soo dhaweynta kadib wuxuu madaxtooyada Kenya kulankulmay Uhuuru Kenyaata iyo qaar kamid ah golaha xukuumada Kenya iyo xildhibaano kooban.

Deni oo fikir ahaan ka aragti duwan dowladda faderaalka,taas oo sii xooijisay xiriirkii kala dhexeeyay dowladda kenya.

Madaxweynaha puntland ujeedka uu kenya u tagay ayay ilo kala duwan innoo xaqiijiyeen in uu kenya kala hadlayo nidaamka dooroshoyinka dalka ee ay ku heshiiyeen dowladda faderaalka,dowlad goboleedyada iyo gobolka banaadir.

Kenya oo qorshaheedu ugu weyn uu yahay in ay meesha ka saarto madaxweynaha Jamhuuriyadda faderaalka soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,kaas oo is is hor istaag ku sameeyay damaca kenya ee faragelinta dooroshooyinka dalka iyo Sidoo kale in uu madaxweyne farmaajo gor-gortan ka galo badda soomaaliya ee ay kenya muranka galisay.

Tan iyo xilligaas kenya ayaa si toos ah xiriir ula laheyd madaxweynayaasha puntland iyo jubbaland,kuwaas oo caqabad ku noqday geedi socodka dooroshooyinka dalka.

Safarka uu kenya ku tagay hoggaamiyaha puntland saciid deni ayaa ku soo aaday xilli dalka uu galayo marxalad dooroshooyin ah,waxaana uu deni qodobada ka soo baxay shirka horgeynayaa madaxda kenya si ay aragtiyo ugu darsadaan.

Damaca Deni ayaa ah in uu lacago ka helo kenya isla markaana uu kala shaqeeyo kenya in meesha laga saaro madaxweyne Farmaajo si kenya ay dib ugu hesho dhaqaalihii qaadka ee ay ka heli jirtay soomaaliya, in wada hadal laga galo kiiska badda soomaaliya ee ay muranka galisay iyo in ay sii wado xadgudubyada ay ka wado goboladda jubbooyinka iyo Gedo