Gudoomiyihii Hore Ee Gobalka Mudug oo Maanta Xilka Ku Wareejiyay Gudoomiyaha Cusub Ee Maamulkasi …….
Munaasabadan oo ka dhacday magaalada gaalkacyo ayaa waxaa kasoo qeybgalay xubno katirsan baarlamaanka labada aqal ee dowlada somaliya, madax ka socotay wasaarada arimaha gudaha, xubno katirsan maamulka galmudug iyo qaar ka tirsan ururada bulshada
Gudoomiyihii hore ee gobalka mudug Cabdirashiid Xaashi Cartan oo ugu horayn munaasabada daahfuray ayaa munaasabada kasoo jeediyay qudbad uu kaga hadlayay waxqabadkiisa mudadii uu xilka haayay waxa uuna xusay in deegaanada gobalka mudug uu waxbadan kasoo qabtay dhanka amniga, dhaqaalaha, iyo is dhaxgalka bulshada intaba.
waxa uuna soo hadal qaaday dadaaladii ay ku nabadeeyeen bulshada kasoo kala jeeda maamulada puntland iyo Galmudug ee wada daga magaalada galkacyo ee gobalka mudug
wuxuuna gudoomiyaha cusub u rajeeyay inuu allaah u fududeeyo xilka loo igmaday.
Sidoo kale Mudane Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo gudoomiyaha cusub ee gobalka mudug oo goobta ka hadlay ayaa kaga mahadceliyay gudoomiyihii hore shaqada adag uu usoo qabtay gobalka isagoo amaanay sida wanaagsan ay xil wareejinta ku dhacday
wuxuuna balan qaaday inuu halkeeda kasii wadi doono shaqada loo igmaday.