Gudoomihaha Gobalka Banaadir oo ka hadlay xalada Caasiamda, islamrkana Bulshada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan xasiloonida Dalka
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday degmada Shibis ayaa sheegay in Muqdisho ay ka soo baxday burburkii, isla markaana ay ku socoto bilic, horumar iyo dib u dhis.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa hseegay in qof kasta oo ku nool Muqdisho looga baahan yahay inuu ka shaqeeyo, horumarinta, bilicda iyo xaqiijinta amniga.
Gudoomiyaha Gobalka ayaa Bulshada Ku dhaqan Caasimada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan xasiloonida , islamarkana ay ilaa shadaan nabada oo loo soomaray wado dhereer, taasi oo waqtigaba waqtiga ka dambeeyo ay ka sooroonaanaysay.
“Waa ogtihiin magaaladan waxyaabihii ay soo martay inta wiil iyo gabar ee ku dhimatay ama ku naafowday in la gaaro nabadda maanta aan ku naalooneyno in marka dadaalkii iyo juhdigii dhaqaalaha fara badanaa iyo dhiigga loo daadiyay xoriyadda si fudud la isaga baabi’iyo waa damiir xumo, waana mid aan la aqbaleyn”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu sheegay in maamulka G/Banaadir uu soo dhaweynayo qof kasta oo damac siyaasadeed leh oo doonaya in uu olole sameeyo maadaama la galayo waqti doorasho, hayeeshee aysan raali ka noqoneyn Erayada siyaasiyiinta qaar kasoo yeeraya oo keeni kara Colaad.
Hadalka Gudoomiyaha ayaa kusoo aadaya aydoo Caasimada ay kawadaan kicin bulsho Xubnaha Mucaaradka, kuwaasi oo doonaya in ay qalalaase siyaadeed ay ku faraan hanaanka Geedi socodka Dalka.