Guddoomiye Filish oo eedeeyay Ganacsatada yar yar ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in wadooyin badan oo ku yaalla muqdisho oo Maamulka Gobolka Banaadir dhismahooda uu ku bixiyay mallaayiin Dollar la burburiyay.

Waxaa uu sheegay in Ganacsatada waratada ah ee ku nool Muqdisho ay wadooyin badan oo la dhisay ay ganacsiyo yaryar ka sameysteen, isla markaana qarkood ay laamiga surteen dalado burburiyay wadooyinka.

Sidoo kale guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Maamulka gobolka Banaadir uu diyaar u yahay dhismaha wadooyinka muhiimka ah ee ku yaalla Muqdisho, hayeeshee Bulshada aysan fahansaneyn Shaqooyinka loo haayo.

Maamulka G/ banaadir ayaana weli wax dib u dhis ah ku sameyn wadooyin dhowr ah oo ku yaalla qaar ka mida degmooyinka gobolka sida x.weyne.

Ganacsatada yar yar ee ku ganacsada hareeraha wadooyinka ayaa nolol maalmeedkooda ka raadiya ganacsigaas yar, mana jirto qorsho uu maamulka gobolka banaadir ugu talo galay ganacsatada waratada ah.

Gudoomiye Cumar filish ayaa intaasi ku daray in bilicda magalada ay mas’uuliyad ka saaran tahay bulshada, ayna tahy in la ilaaliyo wadooyinka Muhiimka u ah Caasimada.

Dhismaha iyo bilicda Caasimadda oo muhiim u ah horumarka dalka ayaana haddana muuqan qorshe loo diyaarinayo ganacsatada miisaska yar-yar ku leh hareeraha wadooyinka

Sidoo kale degamada wadajir gaar ahaan wadada dheer ee dhexmarta suuqa weyne ee Madiina iyana waxaa hareeyay burbur iyo dayactir la’aan.

Taasoo u baahneed in iskaashi bulshada iyo maamulka Gobalka banaadir ugu istaagaan dayactir iyo dib u dhiska wadooyinka qaar ee mudan in wax laga qabto.

Isku soo wada duubo waxaa jirta degmooyin qaar oo aanan wali qaban isha maamulka Banaadir marka laga eego dhismaha wadooyinka iyo dayactirkooda, waxaana ka mid ah wadooyinka qaar ee mara Degmada Xamar weyne oo ay ku taala xarunta Maamulka Gobalka Banaadir.