Gudaha magaalada Nairobi oo lagu dilay askari keenyan ah
Askari ka tirsan ciidanka amniga Kenya ee loo yaqaan GSU-da ayaa kooxo hubeysan ku dileen garoonka diyaaradaha ee Wilson ee magaalada Nairobi.
Kooxda weerarkaan ka danbeysay ayaa dhanka kale qaatay laba qori oo iyo 30 wareeg oo rasaas ah, sida ay sheegeen ciidanka amniga Kenya.
Waaxda ilaalada Airport ayaa sheegay in askariga la dilay iyo saaxibadiis oo howlahooda ku jiray ay u imaadeen laba ruux oo watay booliska ciidanka kuwaasi oo u sheegay in ay ka tirsan ciidanka GSU-da.
Kooxda dilkaan ka danbeysay ayaa ka codsaday in laga caawiyo gaarigooda oo kaga ciladoobay meel qiyaastii meel 200 mitir u jirta garoonka.
Askariga la dilay iyo mid saaxiibo ay ahaayeen ayaa ogolaaday deetana raacay iyadoo mid ka mid ah la qaarijiyay halka mid kale uu ku dhaawacmay.
Ilaa iyo hada lama oga cida ka danbeysa falkaan iyadoo aysan jirin dad loo xiray weerarkaan oo dhacay abaara 10-kii habeenimo ee Xalay.