Golaha amniga qaranka Kenya oo ka digay qatarta amni in ay dhalan karto dhaqaala xumada xukuumada Uhura Kenyata ee sanadka 2020, taasoo salka ku heysa suuq xumada dhanka qaad ka heysata awgeed
Mid ka mid saraakiisha amaanka Kenya oo lagu magcaabo Johnstone Muwengi, ayaa sheegaya in hoos udhaca dhaqaale oo baahsan ay kala kulantay Kenya suuqa qaadka ee Soomaaliya taasina suurtagal ka dhigi karto, in ciidankooda sahya la gaarsiin karin bilaha dambe ee sanadkan hadii xaalka sidan sii ahaado.
Munica Jumma oo aheyd wasiirkii hore ee arimaha dibadda ayaa qeyb ka aheyd Shirka golaha amaanka qaranka Kenya taasoo ka mid ah lataliyayaasha Uhuura Kenyata.
Jumma ayaa sheegtay in Uhuru iyo xukuumadiisa u furantahay oo kaliya in ay kiciso mucaaradka Dowlada Soomaaliya, si ay cadaadis diblumaasiyadeed loogu saaro dowlada Soomaaliya.
Mucaaradka waa inaan awood siinaa si ay dowlada Soomaaliya ugu qasbaan in ay qaadka canshuurta laga yareeyo fasax toos ahna uhelo.
Goluhu waxa ay wallaac ka muujiyeen howlgalka ay ka wadaan gobolada jubbooyinka iyo Gedo maadaama dhaqaalaha iyo miisaaniyada sanadkan gaari kari sidii qorshuhu ahaa ama la filayay.
Durbaba Kenyaatiga ayaa culeysyo saaray duulimaadyada Soomaaliya ku wajahan Kenya ayaga oo sheegay in 2 todobaad ay meel ku heyn doonaan hadiiba Soomaaliya diyaar kaga timaado, ayada oo ay jirto dhibaatada Covid 19 ayaa hadana xaalada Covid hoos udhac jiro
Dowlada Soomaaliya ayaa Il iyo toosh gaar ah ku heysa howlaha iyo dhaqdhaqaaqyada Kenyaatiga ee ka dhanka ah Danaha Qaranka ayada oo ay xusid mudantahay in ay DFS ay hawdda ka celisay shirkado diyarrddeed ayada oo qaarna ruqsadii lagala laabtay