Gobal kamid ah Naajeeriya oo ciqaab lagu soo ragay Qofkii ku kaca fal kufsi ah

Barasaabka gobolka ku yaalla waqooyiga galbeed ee Naajeeriya ee Kaduna, Nasir Axmad el-Rufai, ayaa saxixay sharci ciqaab adag la marinayo qofka kufsi geysta.

Sharcigan ayaa dhigaya qofka kufsi lagu helo looga saaro qalliin Xiniyaha ama la (dhufaano) islamarkana qofkii kufsada cunug ay da’diisa ka yartahay 14 dil loogu daro.

Haddii qofka la kufsaday dad’diisu ka weentahay 14 sano ayaa waxaa sharciga uu fasaxayaa in qofkaasi Xiniyaha laga saaro islamarkana xabsi daa’in lagu xukumo.

Haddii haweeneyda lagu helo kufsiga caruurta yaryar waxaa la marin doonaan ciqaab adag oo ay ka mid tahay in laga saaro qaar ka mid xubnaha taranka iyo waliba dil.

Kiisaska kufsiga ee la soo sheego ee ku aadan in la kufsaday qof ka yar 14 sano, waxaa loo baahnaan doonaa warbixin caafimaad si loo cadeeyo eedeynta.

Waxaa sidoo kale sharcigani ka mid ah in dadka caruurta kufsada magacyadoda lagu soo daabaco warbaahinta

Barasaabka gobolka Kaduna ayaa saxiixa sharcigani ku xaqiijiyay qoraal uu soo dhigay bartiisa Tweetar-ka xalay