Gabar Soomaaliyeed oo lagu dhex toogtay gudaha xerada Xalane
Gudaha xarunta
xalane ee Amisom waxaa lagu dilay Almaas Elman oo aay walaalo ahaayeen Ilwaad
Elman, oo ah gabar u tartameysa Bilada Nabadda ee loo yaqaano noble
peace prize
warar kala duwan ayaa ka soo baxay dilka allaha u naxariistee
Almaas Elman waxaana wararku ay ku waramayaan in ay haleeshay rasaas aan la
ogeyn halka ay ka timid xilli ay saarneyd gaarigeeda oo ku sugnaa gudaha xerada
xalane.
Ma jirto wax war ah oo ka so baxay dowlada faderaalka oo ku saabsan dilka loo geystay marxuum Almaas Elman.
Almaas ayaa horay u soo noqotay xoghayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.