faroole iyo karaash oo ka so horjeestay mooshinka uu deni ka wado g/dhoobo daareed
Iyadoo weli ay sii xoogaysanayaan xiisadaha u dhaxeeya madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi iyo gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed oo gudaha magaalada Garowe kawado abaabulo xoogan oo mid walbaaba kan kale ku wajahayo ayaa waxaa haatan kusii biiray xiisadaha u dhaxeeya labada masuul madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo xiligani ah xildhibaan ka tirsan golaha Aqalka sare iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).
Labadan masuul oo mid walbaaba uu aamisan yahay aragti isaga gaar u ah ayaa haatan u arka Puntland in ay gali karto xaalad adag isla markaasna shacabka Puntland uu kala dili karo madaxweyne Denni oo weli kusii adkaysanaya mowqifkiisa ka dhanka ah gudoomiye Dhoobo oo uu kawado mooshin culus.
C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo isku aragti ka ah mooshinka Dhoobo laga wado, waxaana Mr. Karaash uu marar badan dadaal ku bixiyey in uu dhex dhexaadiyo labada masuul ee is haya waa gudoomiye Dhoobo iyo madaxweyne Denniye, hasa yeeshee balamo ay wada galeen madaxweynaha ayaa fuli waayey kadib markii Saciid Cabdullaahi Denni uu si cad u sheegay in Dhoobo uusan la shaqayn doonin oo uu xilka ka tuuri doono.
Axmed Karaash oo xalka dhismaha iyo wada jirka Puntland u arka in khilaafkasta lagu dhameeyo wada hadal ayaa madaxweynaha kula dar daarmay in uu il gaar ah ku eego xaalada Puntland, walowse uu iska indha tiray deni hadana waxaa xiligani Faroole iyo Axmed Karaash ay xal u arkaan garab istaagida Dhoobo daareed oo ay u arkaan badbaadinta puntland.
Xiisadaha u dhaxeeya gudoomiye Dhoobo iyo madaxweyne Denni ayaa sii cuslaanaya, waxaana mid walbaaba uu wadaa abaabul xoogan iyo sidii qorshe walba uu kalsooni buuxda kaga heli karo xildhibaanada Baarlamaanka.
Madaxtooyada Puntland ayaa xildhibaan walba codkiisa ku bixin doonta 20 Kun oo Dollar si loo ridi Dhoobo, waxaana Baarlamaanka loo riday fasax muddo saddex maalin ah kadib markii uu maanta kala diray gudoomiye Dhoobo oo dhankiisa kawada olole xoogan oo uu ku wajahayo qorshaha Denni.
Deni waxa uu u muuqdaa mid kala dilaya qalbiyada shacabka puntland oo ku aaminay hogaanka maamulka ugu waqtiga dheer dowlad goboleedyada dalka ka jira.