“Fahamdarida Faderalka iyo Fudeedka Dowlad” Warbixin
MUQDISHO – SAREEYE FM
Soomaaliya tan iyo intii ay xoriyadda ka qaatay gumeystayaashii kusoo duulay waxay ahayd mid u dhisan Nidaamka hal dowlad oo awood leh lagana maamulo Muqdisho, balse Sanooyin kii Dambe waxay qaadatay Nidaamka Federaalka oo Faham badan aysan ka heysan Bulshada taasi oo sababtay kala fikir duwanaasho ku aadan awoodaha ay yeelanayaan maamulada xubnaha ka ah Federaalka iyo dowladda dhexe.
Maamul gobaleedyada Dalka ka jira ayaa lagu eedeeyay inay iska Indho Tirayaan Awoodaha Ay leedahay Dowladda dhexe sida maamulida Siyaasadda Arimaha Dibadda waxayna Taasi soo cel celisay khilaafka Dowladda dhexe iyo kuwa maamul Gobaleedyada.
Isfaham waaga kuma eka Kaliyah Dowladda dhexe iyo Kuwa Dowladd Gobaleedyada balse waxaa Jira maamul Gobaleedyada Gobaleedyada Qudhooda Deegaanada ay ka taliyaan aysan ka jirin isku tix galin dhinaca Awoodaha ah.
Haddaba Xiisado siyaasadeed ayaa ka dhex oogan Maamulada qaar ee wadanka ka jira.
Dhawaan Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele maxamed Cabdi waare waxaa uu Xilka Ka qaaday Gudoomiyhii gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagr Dabageed Xilka qaadistiisa ayuu Madaxweynaha Hirshabeele u cuksaday xil gudasho la’aan…
Afhayeenka Maamulka Hirshabeele ayaa warbaahinta u akhriyay Wareegtadii xilka looga qaaday Yuusuf Dabageed
Dhinaca kale Gudoomiyhii Gobalka Hiiraan ee Xilka La qaaday Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa ka soo hor jeestay xilka qaadista lagu sameeyay isgoo eedeyn kulul kala dul dhacay madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi waare ,waxaa uu yuusuf Dabgeed sheegay in xilkaas kaliyah ay ka qaadi karto Dowladda Somaaliya isagoo intaas ku sii daray In isaga ay ka amar qaataan Ciidamada Dowladda ee Ku sugan Gobalka Hiiraan
Hadalkas kadib waxaa Cirka isku sii shareeray Khilaafka Madweynaha Hirshabeele Iyo Gudoomiyhii xilka laga qaaday waxaana Shacabka Magaalada beledweyne ay la safteen Gudoomiyhii Xilka la qaaday
Jahwareerka ka dhex taagan Maamul gobaleddyada Dalka Kuma Eka kaliyahay Hirshabeele ee arintu waxay sii gudubtay Maamulka Galmudug ,Waxaana iynaha Halkaas isku heysta Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Gudoomiyha Gobalka Mudug
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmad ducaale Geele Xaaf Ayaa xilkii kaqaaday gudoomiyihii gobolka mudug Cabdi Rashiid Xaashi Cartan waxaana lagu eedeeyay xil gudasho la aan
Cabdi Rashiid Xaashi Cartan oo warbaahinta lahadlay ayaa qaaday xilkaqaadistaas asagoona tilmaamay in aysan wado sax ah aan loo soo marin xilkaqaadis .
Cabdi Rashiid Xaashi Cartan ayaa sheegay in uu kulamo laqaatay qeybaha kaladuwan ee waxgaradka gaar ahaan odoyaasha dhaqanka