Faarax Macalin oo ka hadlay siyaasinta ku sugan Magalada Neyroobi ee Caasimada Dalka Kenya
Siyaasiga faarax macalin ayaa ka hadlay siyaasiinta Mucaaradka ee ku sugan Magaaladda Neyroobi ee Caasimada Dalka Kenya.
Faarax Macalin ayaa sheegay in siyaasinta Soomaalida qaar kamid ah ay yihiin Qaa’inu-wadan Sida hadalka uu u dhigay, isla markaana siraha wadanka ay u sheegaan dalal Shisheeye, sida Kenya iyo Imaaradka.
Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in Soomaaliya dadkii wax u bartay ama xilalka muhiimka ka Soo qabtay ay maanta damacsan yihiin in ay heshiis kula galaan Dowladaha Shiisheeye dana hooda gaarka ah, si ay dalka Madaxwayne kaga noqon lahaayeen.
Dhanka kale wuxuu sheegay in wadamadda Kenya,Imaraadka iyo faransiiska ay u xusul duubayaan sidii mid kamid ah mucaaradka uu ugu guulaysan lahaa kursiga ugu sareeya ee madaxtinimada, iyagoo doonaya in dhammaan dalka la qaybsado sida uu sheegay Faarax macalin.
Siyaasigan oo ka mid ah dadka sida wayn ula socda isbahaysiga ay mucaaradka ka wadaan Magaalada Neyroobi ayaa madaxda talada dalka haysa u soo jeediyey in dhammaan xabsiga la dhigo maadaama ay yihiin jaajusin u adeega danaha shisheeye sida uu hadalka u dhigay siyaasiga faraax macalin.
Madax horey xilal uga soo qabtay Dalka, ayaa ku sugan magaaladda Nayroobi ee Xarunta Kenya, iyada oo ay xusid mudan tahay in dhawaan uu ra’iisul wasaarihii hore ee dalka xasan cali kheyre uu si toos ah taageero u weydiistay dowladda Kenya sida ay warbaahinta u xaqiijisay Xildhibaan Falxado oo ka tirsan baarlamaanka Kenya.
Hadalka Siyaasiga Faarax Macalin ayaa ah mid ka turjumay xaqiiqda ka jirta Caasimada Kenya ee Nayroobi