Eedeysane C/rashid janan iyo sarkaal kale oo la horkeenay maxkamadda g/banaadir

Maxkamadda gobolka banaadir ayaa maanta la horkeenay  Eedeysane Cabdirashiid Xasan CabdiNuur (Janan ) oo ahaa wasiirkii amniga Jubbaland iyo Buulle Aadan Maxamed oo ahaa taliyihii Ciidamo ka howl geli jiray magaalada Doolow iyo degmada BeledXaawo ee gobolka gedo. 2-dan eedeysane ayaa loo heystaa tacaddiyo ka dhacay Gobalka Gedo intii ay xilalka hayeen. Cabdirashid janan oo ahaa wasiirkii hore amniga jubaland ayay dowlada ka xirtay gudaha garoonka diyaaradaha ee muqdisho xilli uu safar ku ahaa magaalada adis ababa. Dilal loo geystay waxgarad iyo siyaasiyiin kale ayaa ka mida eedeymaha loo heysto cabdirashiid xasan cabdinuur (janan). Buulle Aadan Maxamed oo isaguna ahaa taliye hogaaminayay ciidamo ku sugnaa beled xaawo iyo doolow ayaa fuliyay amaro badan kuwaas oo tacadi loogu geystay waxgarad iyo siyaasiyiin. Horey magaalada muqdisho waxaa u yimid  odayaal iyo waxgarad doonayay in dowlada faderaalka ay kala hadlaaan sii deynta wasiirkii amniga jubaland cabdirashiid janan balse uma aysan suuragalin waxgaradkaas in loo sii daayo c/rashiid janan. Intii uu wasiirka amniga juabaland ahaa  janan waxaa jubaland ka dhacay xadgudubyo iyo tacadiyo kala duwan,kuwaas oo lagula kacay odayaal.waxgarad,iyo siyaasiyiin.