Dowlado Carbeed oo wada olole ka dhan ah wadanka Turkiga

Turkish President Recep Tayyip Erdogan addresses a meeting of provincial election officials at the headquarters of his ruling Justice and Development (AK) Party in Ankara on January 29, 2019. (Photo by Adem ALTAN / AFP) (Photo credit should read ADEM ALTAN/AFP/Getty Images)

Dowlado Carbeed ayaa wada olole ka dhan ah wadanka Turkiga kaas oo si xoog leh uga soo horjeestay isbaheysiga ay la sameynayaan Yahuudda, waxeyna markaan dood ka keenayaan galaan-galka uu ku yeelanayo wadamada colaadaha kasoo kabanaya, sida Soomaaliya oo ay sheegeen in uu taageero xoog leh siiyo.

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Racep Tayip Erdogan ayaa ku dadaaleysa iney dib usoo celiyaan saameyntii ay ku lahaayaan dalalka dibadda, waxaana lagu dhaleeceeyay xiriirka weyn oo ay la leeyahiin Soomaaliya.

Turkiga wuxuu taageero buuxda siiyay Soomaaliya, waliba dhanka militariga aad ayuu uga saaciday, taasna waxey keentay in Dowladda Jordan ay ku tilmaanto sharci darro.

Wargeyska The Jordan Times, oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan dowladda, ayaa daabacay qoraal laga dheehan karo in lagu baaqayo dagaal ka dhan Turkiga oo ay sameeyaan dowladaha Carbeed iyadoo lasoo hadal qaaday saldhigyada ay ku leeyahiin Liibiya, Suuriya iyo Ciraaq oo ah saddex wadan oo carbeed.

Sidoo kale waxey warbixinta si toos ah u abaareysaa madaxweyne Racep Tayip Erdogan kaas oo lagu sheegay inuu xayeysiinayo awoodahooda.

“Turkiga wuxuu saldhigyo militari ku leeyahay wadamada Soomaaliya, Liibiya, Qadar, Ciraaq, Suuriya iyo waqooyiga Qubrus, dhamaantood ma heystaan ogolaansho sharci ah,” ayaa ka mid ahaa qoraalka wargeyska lagu qoray.

Turkiga waxey saldhigga ugu weyn ee meel ka baxsan wadankooda ka dhiseen Muqdisho, waxaa lagu tababaraa ciidamada Soomaaliyeed taas ayaana ka careysiisay wadamada carabta ee kaso horjeeda taageerada turkiga uu siiyo dalkeena sooomaliya