Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay caddaadis kala kulantay Urur Gobaleedka IGAD

Iyadoo la soo gababa gabeyey shirkii Uruur Gobaleedka IGAD, kaasi oo maal mihii la soo dhaafay ka socday Dalka Jabuuti ayaa waxaa ka hadlay wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya, islamrkana Warbaahinta la wadagay wax yaabihii ka soo baxay shirkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo kamid ahaa wafdigii Madaxweyne Farmaajo ee ku sugan magaalada Jabuuti ayaa sheegay in IGAD ay cadaadis xoogan ku saareyso inay xaliyaan xiisada Kenya.

Wasiirka oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu soo afmeermay shirkii madaxda IGAD ayaa waxa uu sheegay in madaxda ku bahoobay ururka IGAD ay dowladda Soomaaliya cadaadis ku saareen sidii xiisada kala dhaxeysa Kenya loogu xalin lahaa golahaas, iyada oo la dejinayo xiisada.

Waxa uu xusay in madaxda IGAD ay ka ogolaadeen in la dejiyo xiisada oo xiligan mareysa meel sarre, tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday inay xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay, kadib markii ay ku eedeysay faro-gelin ka dhan ah qaranimada.

“Madaxda IGAD waxay aad cadaadis ku saareen Soomaaliya in arrinta Kenya uu noqdo mid lagu xalliyo IGAD dhexdeeda, oo uu noqdo mid laga gaaro wada-hadal iyo is afgarad oo halkaas arrimaheena ku xallino, tallaabada ugu horeysa ay tahay in xaalada la dejiyo iyo xiisadda, Soomaaliya taas waa ogolaatay, laakiin waxaan ku xirnay shuruud ah in loo saaro guddi arrimaha ay Soomaaliya ka ashtakooneysay,” ayuu yiri

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay dalbadeen in guddi loo saaro xiisada ka soo cusboonaneysa xadka Kenya, oo uu sheegay in xukuumadda Nairobi ay halkaas ku abaabushay maleeshiyaad jabhado ah oo hubeysan, wuxuuna shaaciyey in IGAD ogolaatay in loo diro guddi xaqiiqo raadin ah.

Hadalka Waasirka ayaa imanaya iyadoo Dowladada Soomaaliya shalay kala soo baxday diblomaasiyiinteedii ku sugnaa Caasimada Naroobi.