Dowladda Soomaaliya oo gudbisay Dacwad ka dhan ah Kenya & jawaab la siiyay

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay qoraal ka dhan ah dowladda Kenya u gudbisay Ra’iisul wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk, oo ah shir guddoonka ah urur goboleedka IGAD.
Lama soo bandhigin nooca qoraalka ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya, balse wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa twitter-keeda ku baahisay qoraalkii loogu soo jawaab celiyey Soomaaliya, kaas oo tilmaamaya in madaxda IGAD la isugu balamiyey shir todobaad kadib ka furmaya Jabuuti, oo arrintan looga hadlayo.
“Iyadoo laga jawaabayo dhambaalka ka dhanka Kenya ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Mudane Cabdalla Xamduuk, Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Sudan ahna Shir-guddoonka Madaxda IGAD, ayaa Urur goboleedka IGAD waxa uu shir madaxeed ku qabanayaa Jabuuti 20 December,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Dowlada Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in Kenya ay faragalin ku hayso qaranimada Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya, islamarkaana uga digtay in ay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya.
Kenya ayaa ka dhaga adeygaysa baaqyada ka dhanka ah ee Soomaaliya, iydoo shalay uu magaaladda nayroobi gaaray Hoggaamiyaha Maamulka Gooni u goosadka Muusa Bixii,
Dowladda Kenya ayaa wali faragalinta Soomaaliya Sii wada, islamarkaana doonaysa in heshiisyo sharciga baal marsan ay la gasho qaar ka tirsan Maamul Goobaleedyada Dalka, taasi oo u muuqata mid aan suurta gal ahayn.
Maanta ayaa lagu wadaa in la soo bandhigo waxyaabaha ay kawada hadli doonaan Muuse Biixi iyo ma’uuliyiinta kenya , sida uu shaaciyey mid la mida wafdiga muuse biixi