Dowladda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u dirtay codsi la xiriira dhigeeda Kenya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Beesha Caalamka ka dalbatay in loo madax-baneeyo oo aan lasoo faro-galin go’aannada ay ka qadaneyso dalalka dariska la ah Soomaaliya.

Si gaar dowladda Soomaaliya waxay beesha caalamka uga dalbatay in aan lasoo faro-gelin khilaafka dublumaasiyadeed ee haatan kala dhaxeeya dowladda Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa dalabkaas ka jeediyey fadhigii lagu soo xiraayey shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo Muqdisho ka dhacay.

“Mar walba dowladda federaalka Soomaaliya waxay xushmeyneysaa madax-bannnaanida iyo midnimada dhulleed ee dowladdaha dariska la ah, si la mid ah ayaan anaguna ka dooneynaa,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq.

Hadalka wasiirka ayaa u muuqday mid jawaab u ahaa codsi uu shirkaas ka jeediyey wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, kaas oo dalbaday in la khafiifiyo xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya oo haatan ka sii dareysa.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhowr jeer go’aano adag ka qaadatay xiriirada arimaha dibada,taasi oo soo jiidatay indhaha caalaamka, islamrkana Dowladada Soomaaliya ay Muujisay qaranimadeda.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa ah dhul ay ka buuxaan qayraadka noocyadiisa kala duwan, islamarkana ka dhigtay in Dowlado badan ay hardan iyo tartan ugu jiraan sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen, qayraadka dhexceegaaga