Dowladda Soomaaliya oo Amar kasoo saartay

MUQDISHO ( SAREEYE FM ) Xukuumadda  Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mamncuuday qashin la sheegay in lagu daadiyo gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magalada Muqdisho.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Ra’isalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed ayaa lagu mamnuucay in qashin lagu daadiyo gudaha Garoonka.

Warqadda ayaa lagu sheegay in ay soo baxday kaddib markii ay kordheen walaaca laga qabo qashinka ku sii kordhaya gudaha Garoonka Aadan Cadde, waxaana warqaddan lagu amray Wasaaradda Gaadiidka, Amisom iyo Qaramada Midoobey xafiisyadooda in ay u hoggaansamaan.

Qashinka lagu shubo gudha garoonka diyaaradaha aadan cadde ayaaa la sheegay inay ka dhalan karto caafimaad darro iyo bad baado xumaba u keenayo dadka iyo degaanka sidda lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska xafiiska raysal wasaare ku xigeenjka dalka.

dhamaan Hay adaha daneeyayaasha deggan Garoonka Aadan Cadde in laga billaabo 1da Bisha july ee sanadkan aan la oggoleyn in qashin nooc kasta lagu daadiyo gudaha Garoonka Aadan Cadde aan laga yeeli doonin.

illaa iminka  Si rasmi ah looma garanaayo halka qashinka ay ku shubaan Hay,addahaan oo ka tirsan Garoonka Aadan Cadde, balse waxa ay u badan tahay waxyaabaha ay isticmaalaan qashinka ka dhasha inay ku shubaan Garoonka Aadan Cadde.