Dowladda Kenya oo ku hawlan qorshe ‘Soomaalida lagu cuno-qabateynayo

Dowladda Kenya ayaa wada qorshe ay ku rabto inay hoos ugu dhigto dhaqaalaha ay siiso gobollada Waqooyiga oo ay aad ugu badan yihiin Soomaalidu, kaasi oo si rasmi ah loogu gudbiyey Aqalka Senet-ka ee Kenya.
Mooshin arrintaasi ku saabsan ayaa loo gudbiyay Aqalka Senet-ka, kaasi oo dhigaya in laga jaro in kabadan 30% dhaqaalaha ay dowladda siiso, taasi oo lagu macneeyay cuno-qabateyn ka dhan ah Soomaalida.
Dhaqaalaha laga jarayo gobollada Waqooyi ayaa lagu sheegay mid lagu kaabayo gobollada kale oo ay dowladdu ku doodayso inay ka dad badan yihiin kuwa Soomaalida ee laga jarayo dhaqaalahaasi.
Waxayna arrintaasi dhalisay xiisad xoogan, iyada oo gebi ahaanba ay ka hor-yimaadeen xildhibaanada Soomaalida ah ee laga soo doorto gobollada Waqooyi.
Xildhibaanadaasi ayaa ku dooday in qorshaha dowladda ee dhaqaalaha badan uga jarayso gobolladii laga soo doortay ay tahay mid aan la aqbali karin.
dawlada Somaliya ayaa intii hawada ay ku soo rogtay xayiraada, waxaa sifo sharci daro ah ku soo galay dalka diyaarado laga leeyahay Kenya, kuwasi oo soo galiyey qaad, taasi oo sababtay in qaar kimid ah diyaaradahaas ay kala laabaatay ruqsadii ay kaga hawl gali jireen gudaha Somaliya.
Dawlada Kenya ayaa ku howl jirta sidii ay u cunaqabatayn lahayd dadka soomalida ah ee ku dhaqan kenya, ayadoo dhaqalaha ay ka jaranayso gobalda ay dagaan soomalida