Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerarkii Al-shabaab ku qaadeen xerada ciidamada Manda Bay ee dalka Kenya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia oo ku qornaa afka Ingiriiska ayaa lagu dhaleeceeyey weerarkii lala beegsaday ciidamada isku dhafka ah ee Kenya iyo Mareykanka ee fadhigoodu yahay garoonka Manda Bay Kenya,
“Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waxay ku biirtay adduunka intiisa kale, iyagoo dhalleeceeyay weerarka fulaynimada ah ee lala beegsaday ciidamada isku dhafka ah ee Kenya iyo Mareykanka ee fadhigoodu yahay garoonka Manda Bay Airfield, Kenya horaantii maanta. Weerarka fashilmay ee ka dhashay burburintii kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab oo loogu talagalay shaqaalaha difaaca iyo hantida ayaan carqalad ku noqon doonin dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo kuwa ka soo horjeeda nabadda iyo xasilloonida gobolka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Madaxtooyada Soomaaliya. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay amaaneysaa Ciidamada Difaaca Kenya iyo Taliska Mareykanka ee si deg deg ah ee isaga caabiyey weerarka, sidaasna ay guuldarro culus u gaarsiiseen Ururka Argagixisada ah ee Al-shabaab”. Ayaa sidoo kale lagu sheegay war saxaafadeedka ka soo baxay dowladda federaalka soomaaliya