Dowlada Soomaaliya oo shuruudo ku xirtay wafdigii ka socday Xukumda Kenya

Iyadoo shalay ay soo gaareen Magalada Muqdisho wafdi uu hogaaminayo xoghayaha joogtada arimaha dibada Kenya machiria kamua, ayaa waxaa kulan la qaatay xogyaha wasaarada arimaha dibada Soomaaliya danjire Maxamed Cali Nuur xaaji.

Wadahadalka labada dowlad ee Kenya iyo Soomaaliya waxa uu ka dhacay gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, wafdiga kenya ka socday waxaa qaabilay masuuliyiin dhigooda ah heer ahaan, marka laga eego dhanka diblumaasiyada Soomaaliya waxaa ka muuqday is badal wanaagsan.

Wafdiga Kenya waxa ay ergo ka ahaayeen sidii shacabka iyo Dowlada Kenya gacan looga siin lahaa hoos u dhaca dhaqaalaha ee ku yimid dalkooda, kaasoo salka ku haya xayiraada qaadka ee ay dowlada Soomaaliya kunsoo rogtay xiligii karoonaha.

Ergada Kenyaatiga ah ee uu hoominaya xog haya joogtada ah ee wasaarada arimaha dibada Kenya ayaa waxaa la hordhiga sharuudo ay horey dowlada Soomaaliya ugu xirtay qaadka kenya, si loo helo wax u dhigma ganacsiga Kenya ee qaadka mana cada in Kenya ay balanqadi doonto.

Kenya oo walaac ka mauujinaysa xirrirka Soomaaliya, islamarkaana dhaqaalaheeda uu hoos u dhacay ayaa doonaysa in Dowlada Soomaaliya ay gorgortan siyaadeed ay la gasho, sidii ay qaadkeeda ugu hesho Suuq dhanka Soomaaliya ah.

Dowlad Soomaaliya ayaa waxa ay dooneysaa in marka hore kenya ogolaato oo xayiraada laga qaado duulimaadyada shacabka ee Kenya kusii jeeda, sidoo kala ganacsiga labada dal noqdo wax is dhaafsi taasoo ka dhigan in ay Soomaaliya badeeco u dhoofiso Kenya sida Kaluunka ama Malaayga oo kale.

Waxaana sidoo kale dowlada Soomaaliya ku adkeysatay in hadii xukuumada Uhuuru Kenyaata faraha kala bixi weyso gudaha Soomaaliya aysan jirin wax tanaasul ah oo ku aaddan xayiraada qaadka iyo madaxbnaaanida Dalka.

Kenya oo hakad galisay duulimaadyada rayidka ee Soomaaliya dagaalana ka wada gobolka Gedo ayaa dooneysa in xayiraada qadka ka qafiifiso ama ka qaado dowlada Soomaaliya, taasoo u muuqata in aysan dowlada wax dabac ah ka muujinin, waxaana laga dheehan karaa qabka dowlada Soomaaliya ee xiligan oo ah in lagu qaabilay dhigooda ama wafdi ku heer ah halka xiliyadii tan ka horreyay ay madaxweyne ama raisul wasaare qaabili jireen.

Wafdiga macharia ayaa lagu wadaa in ay kala hadlaan Xukumada Uhuura kenyatta sidii ay u fulin lahaayeen, islamarkana uu u soo noqdo xarirka labadal, si loogaaro isku tiirsanan labada dhinac