Dowlada Soomaaliya oo qaoraal ka soo saartay hadalkii Maxadaxwaynha Faranciiska
Dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa cambaareysay Gefkii uu Madaxwayanaha faransiiska kula kacay Diinta Islaamka.
Qoraal ka soo baxay Dowladda Faderaalka ayaa lagu sheegay in aan loo dulqaadi karin gef loo geysto nabigeenna Muxamed NNKH.
Dowladda Federaalka waxay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka.
Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taabanaya diinteenna sharafta badan ee Islaamka.
Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku boorrinaysaa hoggaamiyeyaasha caalamka in ay si taxadar leh uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dareenka dadka Muslimiinta ah iyaga oo kala saaraya xorriydda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka diiniga ah.
Dad aad badan oo muslimiin ah kuwaas oo ku nool daafaha caalamka ayaa ka banaanbaxaya aflagaadada u suubanaha ka sameeyay madaxweynaha faransiiska Macron, iyada oo baraha bulshada shucuubta Muslimiinta ay aad uga falceliyeen dareenkooda Islaamnimo kuna muujiyeen.
Sidoo kale waxaa maanta dunida muslimka ah aad looga xusayaa dhalashada Nabigeenna Muxumada Caleyhis-salaam oo ku beegan maanta oo kale sanad kasta ee tirsiga bilaha hijriga.
Innaguna waxaan leenahay Nabigeeniyow naxriista Alle hakugu hubiyo, shafeecadaadana Allah nagama qatiyo, waxaan Rabii weydiisaneynaa aragtida Suubanaha iyo la kulankiisa maalinta Qiyaamo